|
|
Warar goor dhaw na soo gaaray aynu ka helnay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya
ee Magaalada Muqdish ayaa sheegaya in 12 Wasiir oo ka mid ahaa Xukuumadda
Ra'iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ku dhawaaqeen is
casilaadooda kadib markii uu batay muranka u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde. Lama oga Wasiiradan is casilay cidda aragti ahaan taageersan yihiin marka laga hadlayo Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha, laakiin waxaa loo badinayaa inay yihiin Wasiirada xubno ku aragti ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf. Wasiirada is casilay waxaa ka mid ah Saalim Caliyow Ibrow = Ra’isu wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Garsoorka Caydiid C/llahi Ilka Xanaf = Ra’isu wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Waxbarasahada iyo hiddaha Muxiyidiin Max’ed Xaaji Ibraahim =Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Ceelabe Faahiye =Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Cali Axmed Jaamac Jengeli =Wasiirka Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga Max’ed Cali Saalax Kaange = Wasiirka Macdanta iyo Tamarta C/risaaq Ashkir Cabdi = Wasiirka Dib u heshiisiinta, Horumarinta Gobollada iyo Arrimaha Federalka Cabdi Max’ed Tarrax=Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Khadiijo Max’ed Diiriye =Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Waxay sheegeen in sababta isku casileen ay tahay waxqabad la’aanta Xukuumaddii ay ka tirsanaayeen sidaasna waxaa yiri Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Xaaska Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka is casilay Saalim Caliyow Ibrow Khadiijo Maxamed Diiriye oo saxaafada la hadashay isla markaana u hadashay wasaaradaha is casilay ayaa sheegay in is casilaadooda timid kadib markii sida ay hadalka u dhigtay xukuumada Nuur Cadde Noqotay mid Howlgab ah. Khadiijo ayaa intaasi ku dartay In sidoo kale isku casileen kadib markii Ra’isul wasaare Nuur Cadde sameeyay ku tagri fal awoodeed isla markaana xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed dheere si sharci la.aan ah.
waxii wara ee ka soo kordha wararkeena danbe iinsha ALLAAHU, Hamse, M Abdi SOmalia Wya2007@hotmail.com |