Inta la og yahay 15 Haweenka ka shaqeeya Nadaafadda ayaa ku naf waayay tiro kale oo lagu qiyaasay 41 meeyo wey ku dhaawacmay kadib markii Haweenkaas oo ka shaqeynayay Nadaafada Magaalada Muqdisho la qaraxday Miino la rumeysan yahay in dhulka lagu aasay.

Sida uu sheegay goob joogo degan Xaafadda Waaberi ee Caasimadda Soomaaliya, Qaraxa ayaa waxaa uu dhashay markii haweenkaas bilaabeen inay wadada Nadiifiyaan,wadadaas oo ah wadada Maka Al Mukarama agagaarka Shaneemo Soomaali, waxaana la arkayay hilibkii Dumarkaas oo go go’ay.

Wararka ayaa sheegaya in dadka Xaafadda iyo dad kale oo goobaha Ganacsiga ka tirsan Gurmad deg deg ah u sameeyen Haweenkaas dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Haweenkan ayaa waxay Maalin walba ku howlanaayeen Nadaafadda Wadadaas iyagoo dhaqaalena ka heli jiray hay’adaha NGO-yada ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Cusbitaalka Madiina ayaa lagu soo waramayaa in ay la gaarsiiyay dhaawacyo ka badan 30 meeyo, kuwaasoo oo la sheegay in ay ku jiraan kuwo dhintay intii la sii waday, waxaana xaalad la geliyay Cusbitaalkaas oo Haween fara badan la gaarsiiyay.

Xiriiro aan la sameyay dadka deegaanka waxay ii sheegeen in ay arkeen Gacan meel cidla ah taala iyo Lug sidoo kale Geed dushiisa saran, sidoo kale waxaa goobta lagu arkay dharkii haweenka oo dhinac dhinac u go' go'ay, hilbo daadsan wadada iyo dhiig fara badan.

Wadada Maka Almukarama waxay muhiim u tahay isticmaalka Mas'uuliyiinta Dowladda waxaan in dhawaalaba ka dhacayay qaraxyo xoogan oo lala bartilmaameedsanayay Cidamada iskaashanaya, waxaana sidoo kale wadadaas fariisin ay u tahay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda.waxaa isla maantaba Cusbitaalka soo gaadhay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ah Duqa magaalad Muqdisho Max'ed Umar Xabeeb M.Dheere. Wuxuuna Eedeynta Qaraxan dusha ka saaray Kooxaha dagaalada ka wada gudaha iyo Debeda magaalada Muqdisho . wuxuuna sheegay in Ficiladaasi ay yihiin kuwii lagu Yiqiiney.

dhanka kale Afhayeen u hadlay Maxkamadaha Garabka Xasan daahir aweys ayaa sheegay in ay Qaraxan ka danabeeyaan Dawladda KMG.

Ma aha markii ugu horeysay oo qarax lala beegsado Haweenka ka shaqeeya Nadaafadda mar sii horeysay ayaa sidan oo kale Haween ka shaqeynayay Nadaafadda agagaarka Masjidka Biyo Maalow ee Wadada Wadnaha waxaa lala beegsaday Miino, taas oo ay ku dhinteen ilaa iyo 7 Haween ah.

WYA2007@HOTMAIL.COM

Horufadhi.com