|
15-ka xubnood ee joogtada ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobey ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya Magaalada New York ee
Dalka Mareykanka, kaasoo loogaga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa markii u horeysay si wada jir ah
uga qeyb galaya Wafuud ka kala socoto Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga
Dib u Xoreynta, iyadoona ka hor inta uusan kulanka bilaaban laga hor aqrin
doono qoraal uu soo saaray Xogyahaha Guud ee Qaramada Midoobey Mr Ban Ki-Moon.
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ahmedou Ould Abdallah ayaa warbixin
ka siin doona Golaha Ammaanka xaaladihii u dambeeyay ee Soomaaliya iyo
arrimihii dib u heshiisiinta.
Waxay dhinacyada ka qeyb galaya shirkaas maanta isla eegi doonaan, suurta
gelnimada Ciidamo ka socda Qaramada Midoobey oo la keeno Soomaaliya, iyo
sidii Ciidamada Ethiopia u bixi lahaayeen, sidoo kale waxaa laga hadlayaa
xaaladaha bani'aadanimada, gaar ahaan arrinta shaqaalaha gar gaarka oo
noqday maalmahan kuwa la bartilmaameedsado.
Dhinacyada kulankaas uga qeyb galaya Shirka Golaha Ammaanka waxay jeedin
doonaan qudbooyin kala duwan oo ay uga hadlayaan xaaladaha dalka iyo
heshiiskii Jabuuti.
Kulankan maanta ay yeelanayaan Golaha Ammaanka ayaa ku soo beegmaya, xilli
Labo garab u kala jabay Isbaheysiga Dib u Xoreynta, isla markaana garabka
shirkaas ka qeyb galaya ay yihiin kuwa Jabuuti ee kal hore heshiiska la
gaaray Dowladda Federaalka
.
Hamse, M Abdi
SOmalia
Wya2007@hotmail.com |