|
Xiisad xoogan ayaa maalintii 3aad waxay ka taagan tahay Magaalada B/weyn ee
Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoona Xoogaga Maxkamadaha iyo Ciidamada Ethiopia
ay is hor fadhiyaan wali, waxaana Magaalada ay tahay mid xaalad cakiran ay
ku sugan tahay.
Dagaaladii Labadii maalmood ee ka dhacay Magaalada ayaa ahaa kuwo sababay
dhimasho iyo dhaawac tiro badan, waxaana taa ay ka dambeysay markii
Ciidamada Ethiopia ee awal fariisinkooda ahaa Janta Kundishe ay soo galeen
Gudaha Magaalada, isla markaan Xoogaga Maxkamadah oo iyana gacanta ku haayay
B/weyn ay ka hortageen.
Wararka halkaas laga helayo ayaa sheegaya in Magalaada tahay mid cidlo ah oo
aysan cidna joogin, hase ahaatee waxaa aad u adag helitaanka Meydad la
sheegay inay ku dhinteen Dagaaladii shalay, kuwaasoo wadooyinka yaala.
Dadka Magaalada ka cararay ayaa waxay dhibaato hoy la'aan ku heysataa
Buuraleyda Gobolka, oo aysan jirin cid u gurmaneysa, waxaana dadkaas ay ku
hoydeen meelo banaan ah.
Xoogaga Maxkamadaha iyo Ciidamada Ethiopia waxay yihiin kuwo feejigan oo
dhan walba iska eegaya, waxaana saacad kasta laga cabsi qabaa inay dirirtu
ka dhex bilaabato, waxaana xiisada ka dhex taagan labadooda ay gashay
maalintii 3aad.
Hamse M, Abdi Soomaaliya, Horufadhi.com |