Horufadhi News Update

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Baydhabo Ciidamada Dowladda ee tababarka ugu soo dhamaaday Dalka Ethiopia iyo Ciidamo Ethiopian oo wehlinaya ayaa saqdii dhexe ee xalay waxay soo gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Ciidamadan oo gaaraya ilaa 3kun oo soomaali lagu soo tababaray Gudaha Ethiopia ayaa la sheegay in ay isugu jiraan Boolis iyo Milateri, waxaana ay saaka gudaha ugu jiraan Magaalada Baydhabo.

Maamulka Gobolka Baay ayaa gudi u saaray soo dhoweynta Ciidamadaas, iyadoona afaafka hore ee Magaalada ay ku soo dhoweeyeen Ciidamo taabacsan Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.

Ciidamadan ayaa shalay dagaalkii u horeeyay waxay agagaarka Degmada Bardaale kula galeen Xoogaga Hubeysan oo wadada u galay xilli ay ku soo jeedeen Baydhabo, taasoo dagaal saacado socday uu ka dhacay halkaas.

Lama oga qasaaraha Ciidamadan Cusub ka soo gaaray dagaalkii shalay, iyadoona aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha hogaamineysa Ciidamadan lagu soo tababaray Dalka Ethiopia.laakiin warar ka ayaa sheegyaa in ay soo jiidheen Kooxihii Weeraka soo qaaday,

Ciidamadan ayaa la filayaa in ay usoo gudbaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya sida ay sheegeyaan Saraakiil ka tirsan Wasaarada Difaaca ee Dowladda Soomaaliya.

Ma cadda tababarka Ciidamadan qabaan inuu yahay mid awoodi kara inay iska difaacaan awooda kooxaha Dowladda Diidan iyo in kale laakiin horey ayaa loogu fashilmay Ciidamo sidan oo kale loogu soo tababaray dalka Ethiopia oo markii la keenay dalka inay wax difaacan iska daa naftooda Qatar gashay.

 

Hamse, M Abdi

SOmalia

Wya2007@hotmail.com