Heyada UNDP ee arimaha Horumarinta u qaabilsan deegaanada Maamul Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxay ugu deeqday Ciidamada Bilayska ee Puntland Baabuur 9 ah oo Nooca Ciidamadu Isticaamaalaan ah oo ay ku rakiban yihiin Qalab  Casri ah oo Loogu Talo galay Boolisku in ay Isticmaalaan.


 

 


 


 

Baabuurtan ayaa furayaashooda waxaa lagu wareejiyey Wasiirka Amniga iyo dhaqan Celinta ee Maamul Goboleedka Puntalnd C/laah Siciid Samatar oo uu weheliyey Taliyaha Ciidamada Booliska Puntalnd Gen. Gaani.


 

 


 


 

Sargaal sare oo ka Tirsan Hay’adda UNDP oo lagu Magacaabo Ibraahim Awaare Siciid ayaa sheegay in ay Baabuurtan ugu talo galeen Salshigyada Booliska ee Maamul goboleedka Puntland  iyadoo sida uu sheegay sargaalkani loogu qaybin doono sida ay u kala Baahi Baxayaan.


 

 


 


 

Wasiirka Amniga ee Puntland oo halkaais kula wareegay Gaadiidkan ayaa si aad ah ugu Mahad celiyey Hay’adda UNDP iyo wax qabadkeeda walow uu wasiirka sheegay in ay ka sugayaan wax qabad kale oo intaas ka wayn waa sida uu wasiirku Hadaka u dhigaye.


 

 


 

Baabuurtan ayaa waxaa la rumaysan yahay in ay wax wayn ka Bedeli doonaan Qaabka shaqo ee Booliska oo aanay u haysanin wax qalab ah oo ay wax ku qab taan amaba is gaarsiin ay iskala hadlaan.


 

 


 


 

Baabuurtan ayaa waxaa ku rakiban Taarar Loogu talo galay Booliska oo Casria h kuwaasi oo ay ku adeegan doonaan Boolisku.


 

 


 


 

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland General gaani oo goobtaasi Hadal kooban ka jeediyey ayaa isna si wayn ugu Mahad celiyey Hay’ada UNDP oo iyadu Hay iyo goor Caawisa Ciidamada Maamulka Puntalnd.


 

 


 

Si kastaba ha ahaatee Talaabadan ay qaaday Hay’ada UNDP ayaa ah Talaabo horumar ah oo ay qaaday Hay’adu .

 

 

Xigasho Allsanaag

Horufadhi.com