|
Xaalada Magaalada B/weyn ayaa saaka aad u kacsan kadib markii ay gudaha u
galeen ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa buurta Janta Kun Dishe saaka aroortii
Ciidamadan oo ku hubeysan Taangiyo iyo Qoryaha madaafiicda ayaa waxaa lagu
waabariistay iyaga oo ku gadaaman magaalada afarteeda dhinac waxaana isla
saakay ay bilaabeen madaafic ay ku bartil maameedsadeen xaafada H/wadaag ee
dhinaca galbeed ee magaalada.
Ilaa iyo 9 madafac ayaa la sheegay in lagu tuuray gudaha xafada H/wadaag
kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ku dhaceen guryo la degan yahay.
waxaana ay ahaayeen madaafiicdu kuwo ay ku Bartilmaameedsaneen meelo ay u
fulayaan Ciidanka Maxkamadah Islaamka. kuwaasoo la sheegay in ay magalada
kaga sugan yihiin Xaafada H/Wadaag.
Sidoo kale waxaa la maqlayaa mararka qaar rasaas u muuqato in la is
weydaarsadanayo waxaana ka mid ah meelaha laga maqlay Buundada Liiq liiqato
oo iyadu ku taalo bartamaha magaalada.
Lama yaqaano qasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen madaafiicda iyo rasaasta ka
dhaceyso gudaha laakin waxaa la aaminsan yahay in ay jiri karaan qasaarooyin
dhimasho ama dhaawac
Waxaa wali gudaha magaalada ku jiro ciidamada Ethiopia kuwaas oo haatan
intooda badan ku sugan xarumihii maamulka sida Saldhiga Booliska. waxay
kaloo ku sugan yihiin meelaha muhiimka u ah oo dhan.
Wixii kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allaah
Hamse M, Abdi
Wakiilka Soomaaliya,
Horufadhi.com |