|
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa saaka markii u horeysay
dhaq dhaqaaq aan horay loo arag waxay ka bilaabeen Isgoyska Km4 oo ay degan
yihiin.
Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee Midowga Afrika ayaa saaka ahaa kuwo aad
u feejignaa, iyagoona isku soo dhiriryay Isgoyska ilaa halka ay degan yihiin,
waxaana hareeraha ka taagnaa Gawaaridooda qafilan.
Dhaq dhaqaaqyadan oo ahaa mid feejignaan ah ayaan la ogeyn waxaa uu ku yimid,
iyadoo horay loo ogaa in tiro dhowr jeer ay Xoogaga Hubeysan weerareen
fariisimaha Ciidamadaas ku leeyihiin Isgoyska KM4.
Gawaarida qafilan ee Ciidamada ayaa ahaa kuwo yiil hareeraha isgoyska,
iyadoona Ciidamada ay ahaayeen kuwo geesaha wadooyinka taagan, isla markaana
kuwo kale ay saarnaayeen Daaraha ku dhow Isgoyska, askari kastana wuxuu
keebka Qorig ku hayay farta.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Amisom ayaa horay u sheegay in dhaq dhaqaaqooda
uu yahay mid amaan sugid ah, balse aan duul aheyn, wuxuuna sheegay in hadii
la soo weeraro ay Ciidamadooda is difaacayaan.
Dhaq dhaqaaqyada Ciidamada nabad Ilaalinta AMISOM saaka ka wadeen Isgoyska
KM4 ma aheyn mid hakad geliyay ganacsigii iyo gaadiidka isticmaala wadadaas,
waxaana dadka ahaa kuwo caadi ku isticmaalayay wadada oo aanay muujineyn
cabsi.
sugan.
Horufadhi.com |