|
Taliska Milateriga Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in
Ciidamada Milateriga ay kala wareegeen Ciidamada Ethiopianka Howl galadii
Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Milateriga G/lle Dahir Maxamed Xirsi ayaa daboolka ka
qaaday in Ciidamada Dowladda la wareegeen Howl galadii ay Muqdisho ka wadeen
Ciidamada Ethiopia
"Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa la wareegay howlgallada Muqdisho ka
socda, Ciidamada Ethiopia hurdo ayay ku jiraan" ayuu yiri Afhayeenka oo
ugala jeeday in Ciidamada Ethiopia ay nasan doonaan.
Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu
sheegay in ay Ciidamada Dowladda wadaan howlgallo ay ammaanka ku sugayaan,
wuxuuna sheegay in intii ay howlgallada wadeen aysan la kulmin wax iska
hor-imaad ah.
Mar wax laga weydiiyay afhayeenka in ay goobaha dadka rayidka ah degan
yihiin ay madaafiic ku garaacaan xiliyada la soo weeraro ayaa wuxuu sheegay
in aysan taasi waxba ka jirin, wuxuuna caddeeyay in iyagoo madaafiic heysta
ay lug ku tagaan Ciidamada meelaha weerarrada looga soo qaado kadibna ay ka
howlgalaan.
Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in Ciidamada lagu soo tababaray
Dalka Ethiopia ay sugi doonaan Ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaana durba
soo baxaya warar sheegaya in Ciidamada lagu soo tababaray Dalka Ethiopia ay
degi doonaan xeryaha Ciidamada Ethiopianka ku leeyihiin Gudaha Magaalada
Muqdisho
sidoo kalena waxaa beryahan yaraday iska hor'imaadyadii Ba'naa ee ka dhici
jirey gudaha caasimada Soomaalida.
Hamse M, Abdi Horufadhi.com |