Waxaa isa soo taraya weerarka dhanka Saxaafada ah oo uu Xisbiga Jamhuuriga ku hayo Musharaxa Dimuquraadiga Maraykanka ee Senator Barack Obama, arrintan oo la xariirta kadib markii uu joojiyey safar uu Obama ku tagi lahaa xarunta lagu daaweeyo Askarta Dhaawaca ah ee Maraykanka ku leeyahay dalka Jarmalka.

Barack Obama ayaa maalinimadii Jimcii dib uga soo noqday dalka Jarmalka oo uu safarkiisii dheeraa kusoo maray, ayadoo ay xiisad weyn ka dhalatay kadib markii Barack Obama uu dib u dhigay inuu booqdo Xarun lagu daaweeyo Askarta Maraykanka ee kusoo dhaawacmay dagaalada Ciraaq iyo Afghaanistaan, xaruntaasi caafimaad ee ciidamada Maraykanka ayaa ku taal magaalada Ramstein ee dalka Germany.

Barack Obama ayaa todobaadkii tagay safar ku tagay dalka Germany asagoo kulan khaas ah la yeeshay Madaxda dalka Germany oo ay ugu horeyso Angela Markel, isla markaana khudbad ka jeediyey isu soo bax balaaran oo ka dhacay magaalada Berlin.

Hadaba Obama booqashadii uu ku tagi waayey xarunta Ciidamada Maraykanka ku leeyahay Jarmalka ayey si weyn u adeegsadeen xisbiga Jamhuuriga oo weerar xoogleh ku qaaday dhinaca Saxaafada baaqashadii Obama ee Askarta Maraykanka ee dhaawaca ah, waxaana dhaliiceyntii ugu danbeysay Barack Obama uga timid Micheal Durant oo ahaa Askarigii ku dhaawacmay dalka Soomaaliya, magaalada Muqdisho xiligii uu Maraykanka la dagaalamayey Gen.Caydiid sanadkii 1993-gii.

Micheal Durant Duuliyihii Black hawk-dii lagu soo riday Muqdisho 3dii Oktober 1993

Micheal Durant oo kamid ahaa Duuliyaashii Diyaaradihii Black Hawk ee lagu soo riday Muqdisho, isla markaana ay gacanta ku dhigeen maleeshiyooyinkii Soomaalida, ayaa asagu kamid ahaan jiray Askartii lagu dabiibin jiray Isbitaalka Ramstein ee dalka Germany, kadib markii laga soo daayey dalka Soomaaliya.

Micheal Durant ayaa ah askari si weyn looga yaqaan kana mid ahaa labadii duuliye ee diyaaradahooda lagu soo riday Muqdisho 3dii Oktoober 1993, wuxuuna Micheal Durant oo xiligaa dhaawacmay kadib burburkii diyaaradiisa 11 maalmood gacanta ugu jiray maleeshiyooyinkii USC ee Gen.Caydiid, waxaana dagaalkaasi laga sameeyey filimkii la oron jiray Black Hawk Down.

Micheal Durant ayaa warbixin uu kasoo saaray safarka Barack Obama ku sheegay in asagu uu aad uga xun yahay in Senatorka uusan booqan askarta usoo halgamay wadanka Maraykanka, asagoo sheegay in Barack Obama uu iska daayey inuu booqdo ciidamada kadib markii loo sheegay in aan loo ogolaan doonin in booqashadiisa xaruntaasi ay ku wehliyaan Saxaafada, taasi kadibna Obama uuba joojiyey inuu booqdo askarta.

Micheal Durant ayaa sheegay in ay tani muujineyso in ahmiyad uusan siin Barack Obama Askarta Maraykanka balse waxa kaliya oo uu ku mashquulsan yahay ay tahay ololihiisa Doorashada asagoo aan xataa garan inuu booqdo askarta hadii xataa loo diiday in ay saxaafada raacdo.

Musharaxa la tartamaya Obama ee Xisbiga Jamhuuriga Mr.John Mccain iyo kooxdiisa u qaabilsan saxaafada ayaa sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay si daraandoori ah uga weeraray Barack Obama saxaafada Maraykanka ayagoo shaki geliyey Wadanimada Senator Barack Obama iyo waliba inuusan tixgelin siin ciidamada Maraykanka. John Mccain ayaa telefishonka kasoo saaray labo xayeysiin oo lidi ku ah Barack Obama iyo safarkiisii Germany oo lagu dhaliiceenayo inuusan booqan Askarta.

Barack Obama ayaa asagu sheegay inuu dib u dhigay Booqashadii uu ku tagi lahaa Isbitaalka ku yaal Ramstein ee ku jiraan Askarta Maraykanka, kadib markii uu garowsaday inaysan habooneyn in booqashadiisa loo adeegsado mid siyaasadeed iyo ololah Doorashada.

Xisbiga Jamhuuriga oo taageerayaal badan kuleh ciidamada Maraykanka ayaa u adeegsanaya dhaliiceynta qaar kamid ah askarta sida weyn looga yaqaan Maraykanka si wax loogu dhimo sumcada iyo taageerada ay Shacabka Maraykanka u hayaan Senator Barack Obama oo hada u eg musharaxa ku horeeya taageerada bulshada Maraykanka.

Horufadhi.com