|
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka fadhigiisu yahay magaalada
Asmara ee Dalka Eritrea ayaa saacadaha soo socda wuxuu ku dhawaaqayaa
hoggaan cusub oo uu yeesho.
Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Suldaan
Maxamed Garyare ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay dooran doonaan
Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta, Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyo
Xoghayayaasha Isbaheysiga.
Suldaan Maxamed Garyare oo ka gaabsaday in uu faah-faahin dheeraad ah ka
bixiyo doorashada ay sameynayaan ayaa wuxuu sheegay in ay maanta ku
dhawaaqayaan mas’uuliyiintii ay ku bedeli lahaayeen madaxdii Isbaheysiga.
Xoghayaha Arrimaha Bulshada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu
intaas ku daray in ay go’aankaas qaateen kadib markii ay fashilmeen wada
hadallo ay Yemen ku yeesheen wakiillo ka kala socday garabyada Isbaheysiga
ee kala jooga Magaalooyinka Asmara iyo Jabuuti, kuwaasi oo la doonayay in
labada dhinac la isugu soo dhaweeyo.
Magaalada Asmara kooxda ku sugan waxaa aabe u ah Sheekh Xasan Dahir Aweys oo
la rumeysan yahay inuu lahaa fikradii Maxkamadihii Islaamiga, halka
Magaalada Jabuuti kooxda ku sugan ay hormuud u yahay Shariifkii Maxkamadaha
iyo kii Baarlamaanka oo xilligan saaxibo dhow ah, laakiin waxaa muuqata in
meesha ay ka baxday Saaxibtinimadii Xasan Dahir iyo Sheekh Shariif oo
labaduba ahaan jiray Maxkamadihii Islaamiga waxaana dadka Siyaasada
Soomaalia indha indheeyaa ay sheegayaan in Xasan Aweys yahay nin Qori maal
ah oo aan Ogoleyn Tanaasul iyo xal Nabadeed oo ka dhaca Geyga Soomaalida.
Halka Shariifkuna yahay Aftahan Siyaasi ah oo Leh Shacbiyad weyn, dadka
Soomaalida ahina ay aad u jecel yihiin. wuxuuna markasta sheegaa in
Soomaalia ay Midnimadeedu tahay Muqadas.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, haddii saacadaha soo socda ay ku dhawaaqaan
hoggaan cusub xubnaha Isbaheysiga ee jooga Magaalada Asmara waxay taasi
micnaheedu tahay in Isbaheysiga Dib u xoreynta uu si rasmi ah u noqday labo
garab oo iska soo horjeeda, isla markaana kala fadhiya Magaalooyinka Asmara
iyo Jabuuti.
Hamse M Abdi
Somalia.
Wya2007@hotmail.com |