|
|
Waxaa arrin laga murugooda ah dhacdada fooshan xun ee Garowe ka dhacday 22kii Abriil 2008. Maamulka Puntland, isaga oo ku raali gelinaya taliska dhiigya cabka ah ee Addis Ababa ayaa taariikhda kor ku xusan cadowga ma naxaanka gacanta u geliyey muwaadiniin Somalida Ogaadeenya ah. Waxaa kale oo Maamulkaasi xabsiga Boosaaso si silic ah ugu dilay muwaadin ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Ogadenya ee ku nool Bosaaso. Wuxuu maamulkaasi iska indho saabay, xidhiidhka maslaxada dhinacyada
badan ee labada shacab ee walaalaha ah ka dhexeeya oo ay dhacdadani si weyn
u dhaawacayso. Taas oo markhaati u ah maamulka Garowe inayna matalin danaha
shacabka soo doortay ee ku nool Puntland. 1. inay colaad la dhex dhigto labada shacab ee walaalaha ah sida ay Shacabka Jamhuuriyadda isugu hubaysay ee colaadda sokeeye u dhexdhigtay. 2. Isku daygeeda inay la kaashato Soomalida burburinta halganka xaqa ah ee shacabka aan la loodin karin ee Soomaalida Ogaadeenya ugu jiro xaqa aayo ka talintiisa. Taas oo ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuushay, horeyna ugu dhaqaaqday hase ahaate ku guul daraysatay. Maamulka Garowe ujeedada Itoobiya inay darsaan ama fahmaan iyo natijada ka iman karta wax xil ah iskama saarin. Waana arrin nasiib darro ah oo naxdin leh. Maamulka Puntland waxaad moodaa inayna ku baraarugin xaqiiqada ah inay
Itoobiya tahay cadowga koowaad ee shacabka Soomaali oo dadka Puntland ka mid
yahay. Waxaa kale ooyna fahmin in Taliska Addis Ababa waqtigiisii maalmo la
tiriyo ka hadhay oo san ahayn kii maanta loo sujuudi lahaa. Waxaan u aragnaa
in Maamulka Putland khaatumada iska xumeeyey, talaabadaa uu qaadayna ayna
marna hakinaynin halganka Gobonimadoonka shacabka Ogaadenya. Waxaan aad uga
xunahay shacabka aan walaalaha nahay ee ku nool Puntland oo innaba aan ka
diirin ganacsiga iyo dilka uu maamulkoodu ku hayo dadka soo magan galay ee
cadowga naxdinta daran ka soo cararay. Waxaa u sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa garab taaganba in guusha kama dambaynta ah uu leeyahay xaq u dirirka Ogaadenya dhiiga qaaliga ah ee wadaniyiintuna yahay dhaxalka danbe ee loo aayi doona marnaba noqon mayso mid laciifin doonta xaqa aayo ka tashiga ee uu u guntaday shacabka gesiyaasha ee aan marnaba ka daalin sidii isaga dulqaadi lahaayeen heeryada Gumaysiga. Waxaan calaamka ugu baaqaynaa inay cambaareeyaa falka xuquuqul insaanka ka dhanka ah ee Maamulka Puntland ku kacay ee dad aan dambi iyaga ka gelin cadowgooda u dhiibay. Waxaan madaxda ururka iyo dhamaan bulsha waynta Soomaalida Ogaadeeniya oogu baaqaynaa in ay dhacdadan ka bixiyaan jawaab deg deg ah oo aan marnaba aysan noqon mid la caadeysto ka baayac mushtarida muwaadiniinta Soomaalida Ogaadeeniya Waxaan shacabka Puntland oogu baaqaynaa in ay ka hortagaan dhibaatda uu maamulkoodu ku dhaqaaqay, taas oo keeni karta cawaaqib xumo iyo taariikh xumo, hadii ay ku daawadaana waxay macnaheedu tahay in raali ka yihiin xumaanta maamulkoodu bilaabay, Shacabka Puntland waa in ay dhawraan walaaltinimada iyo darisnimada wanaaga dhaqanka iyo diintaba waana in ay ilaaliyaan xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada shacab Ugu danbeyntii guusha waxaa iska leh wadaniga xaq u dirirka ah guul daradana waxaa leh gumaysiga gabalkiisii sii liicayo maantana ku sugan xaalad jahawareer soomaaliduna waxay ku maah maahdaa waari maysidee wax ha kaa haro ( Dal nin kiisiibaa iska leh) Midnimo Mintid Isku tashi 310 East 38th St. #B Minneapolis, MN 55409
Tel.612-821-2376, Fax: 612-821-2376
Waxaa Horufadhi soo gaadhsiyeey Baaqan Jaaliyada
Ogaadeeniya ee W/America |