Diyaarado joog hoose ku duulaya ayaa xalay lagu arkay qeybo kamid ah gobolka Sh/hoose gaar ahaan deeganaada Wanlaweyn, Leego iyo Yaaqbari weyne.

Sida ay sheegayaan wararka laha helayo deegaanadaas diyaaro aan cadadkooda la helin oo jai hoose ku duulaya ayaa xalay oo dhan dulheehaabayey deegaanadaas kuwaas oo waji cabsi leh ku abuuray dadka ku dhaqan deegaanasaas.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in xalay ay ka ladi waayeen diyaarado joog hoose ku duulaya kuwaas oo daryankooda si weyn looga maqlayey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Si cad looma oga cidda leh dayuuradahaan jawiga hoose ku duulaya ee xalay lagu arkay deegaanada Wanlaweyn, Leego iyo Yaaqbariweyne iyo ujeedada ka dambeysa.

Marar badan aya Diyaarado laga kala lee yahay dalalka Maraykanka iyo Somaalia ay Duqeyn ba'an ka geyseteen dalka Soomaalia, waxaana ugu dnabeysey Midii ka dhacday magaalada Dhuusa Ma reeb ee G/Galguduud ee Bartamah Soomaaliya, Halkaasoo lagu Qaarajiyey Hugaamiyiihii Kooxda ka dagaalanta Soomaalia ee Alshabaab,

Hamse M Abdi

Somalia.

Wya2007@hotmail.com