Ururka Midowga Europe ayaa lagu wadaa inay berrito yeeshaan Shir gaar ah oo ay kaga hadli doonaan Qaddiyadda dalka Somalia, xilli ay Beesha Caalamka wadaan dadaalo lagu xasilinayo dalka ay dagaaladu bur buriyeen ee Soomaaliya.

Wasiiradda Arrimaha dibedda ee 27-ka dal ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe ayaa lagu wadaa inay maanta wada-xaajoodyo xiriir ah ku yeeshaan Xarunta dhexe ee Ururkaasi Caasimadda dalka Belgium ee Buruxseles.

Waxaa lagu wadaa in kulanka Maanta isugu imaanayaan Madaxda Ururka Midowga Yurub uu shir Gudoomiyo Wasiirka arimaha dibada Faransiiska, Bernard Kouchner, Maadaama dowlada faransiiska iminka hayso gudoonka Ururukaasi.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Ururka EU-da, ayaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan Kulankii uu Madaxwyenaha dalka Faransiiska, Nikolas Sarkuusi uu madaxda dalka Ireland kula yeeshay caasimadda dalkaasi ee Dublin.

Hadal ka soo baxay Xoghaynta Ururka EU-da, ayaa lagu sheegay inay Wasiiradda ka wada munaaqashoon doonaan waxyaabihi ku soo kordhay arrimaha dalka Somalia, gaar ahaan sidii loo dhaqan gelin lahaa Heshiiskii ay DFKMGS iyo Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia bishii hore ku gaareen dalka Jabuuti.


Ururka Midowga Europe, waxay gacan ka geysteen dadaalkii ay QM u gashay sidii ay DFKMGS iyo Isbahayshiga u yeelan lahaayeen Wada-xaajood Siyaasadeed, oo lagu soo gunaanadayo Xiisadaha ka aloosan dalka Somalia.

Kulanka ay 27-ka dal ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe Maanta ku yeelan doonaan magaalladda Buruxseles, ayaa waxa uu ku soo begmayaa hal maalin ka hor kulanka khaaska ee ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM maalinta Arbacadda ee soo socota ka yeelan doonaan xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee kulamadaan ay maanta iyo Barri isugu imaanayaan Ururka Midowga Yurub iyo Golaha amaanka ayaa qeyb ka ah dadaalo beesha caalamka ku doonayaan sidii ay uga mira dhalin lahaayeen heshiiskii ay dhinacyada isku haya Soomaaliya ku gaareen dalka jabuuti.

 

Horufadhi News Update

Horufadhi.com