|
|
Gabay Ka Hadlaya Xaaladda SSC:
Gaybaygan waxaa iga Keenay xaalada ay ku sugan tahay Mandiqada SSC iyo kala Qaybsanaanta Beesha, Gabaygana Magaciisa waxaa la dhahaa Canaan.
Dhanbaal Gabay Dhulbahantoow Hadaan Dhab idin taabsiiyo,
Oo aan waxa Dhulkeenii ka dhacay Idin Dhagaysiiyo.
Dhaqan Xumiyo ceebaa dhacdayo Diley Dhegteeniiye.
Laba dhagax dhexdood wixii gala Dhimasho Weeyaane.
Wax ka dhigan kuwii ina dhalay baa dhibtaa qaba.
Dhabaqooyiin baa Shacabka Sool lagu Dhirbaaxaaye.
Dhaman saarna Tarriikh dhaweyd Buug dhan baan Qoraye.
Dhahar iyo Nugaal waxii ka dhacay way igu Dheertahaye.
Dhalaanka iyo Maantada Madfaca dhegaha loo saaray.
Ee aan dhaawacoodii la Dhayin Cidina Dhaadeynin.
Ee Qaxa Dhurwaagu ugu Cunay Buurta Dhinaceeda.
Qaylo dhaanta Hay’ado Gargaar lagu Dhaliilaayo.
Dhagartaa Kuwii geysetey waa Ina dhex Joogaane.
Xildhibaanadii noo dhashaa Gabay Dhankoodiiye.
Ayagaa dhibkaa Geyteyoo waa Dhito u taalle.
Dhanka bidixi kuwii Raacayoow Dhimaasha Khayr Roone.
Wax kastoo la Dhoob dhoobay baad dabo dhaqaaqdaane.
Rayi uu Rag kale soo Dhisaad Riigi Gelisaane.
Markii Maamulkaan loo Dhamayn lagu Dhawaaqayey.
Ninka yidhi Dhul Soomaali baan Goosan dhinacayga.
Ma Dameeri Dhaan raacday baa Yeelay Dhimirkeenu. Ma wax baa Inoo dhiman Markaan Dabow dhilifeeney.
Dhanka Barri kuwii Raacay ee Dhalashadaw Iishay.
Ayagana Dhaliishoodu waa Kun iyo Dheeraade.
Ma dhameyn karaaye Hadaan Dhawr kayara Taabto.
Axdigayo Dhaarteey mareen kameey Dhab sheegeyne.
Kuma dayan dhigoodiyo kuweey dhinaca Saareene.
Dharaar Qudha umey qaban Shacbigu waxay ka Dhawreene.
Ninkastaana meeshuu u Dhashay buu u Dhididaaye.
Dhibna uma Ogola Maatadiyo kuweey ku Dhaartaane.
Waxa kuwa yagii dhaawacaye Qaarba Dhinac Raacshey.?
Su’aashaas Ninkii Dhab u Hayoow waan Dhur Sugayaaye.
Ma dhameyn Ujeedadan wataye waan Dhex marayaaye.
Bal dhagaysta Taarriikh dhacdaan soo Bandhigayaaye.
Dhalintaas Mab’da laga Dhunsheye Qorriga loo dhiibey.
Ee ay nin iyo Dhawrkiis will qaarba dhinac Raacay.
Ee aan dhibaato u Aqoon Dhiiga lagu Mayrtay.
Dhaqan Celin in loo Suubaa Soo dhaweyn mudane
Inaguna dhulbaan Haysanaa Dhaxal Awoowgeene.
Dheerer iyo dhaqaalana ka badan kuwaad u Dhoofteene.
Is dhagaysta Duul yahoow dhintay ee Dheelaladu Hayso.
Waxaa Gabaygan Tiriyey Nasoo gaadhsiiyeyna kana soo jeeda SSC Gaar ahaan Degmada Widhwidh. Abwaan Yaasiin Maxamuud Suleiman
Yaasiin81@hotmail.com |