Iyadoo ay soo dhowaatay xilligii doorashooyinkii madaxtinimada dalka mareykanka ayaa waxaa hadda soconaya tartanka kasbashada codadka shacabka dalka mareykanka iyo bulashada caalamka.

Senator Obama ayaa dhowaan waxa uu socdaal ku tagay dalal ku yaal beriga dhexe iyo Europe si uu u muujiyo awooda uu u yeelan karo soo celinta sumcadda dalka mareykanka ee dibadda, balse taas waxaa kahor yimid oo dhaliilay ninka tartanka kula jira ee kasocda xisbiga jumuhuuriga senator John McCain oo tilmaamay in booqashada Obama ay tahay mid aan faa’iido ugu jirin shacabka mareykanka maadaama uusan soo booqan isbitaalada ay yaalaan ciidanka mareykanka ee ku soo dhaawacmay dagaalada ciraaq iyo Afghanistan.

Toddobaadkii la soo dhaafay TVga CBS ee dalka mareykanka dood uu u qabtay labada murashax ayaa waxaa si weyn ay bulshada caalamka u layaabtay qaabka uu oga jawaabay su’aalahii laweydiiyey senator john McCain.

Marka laga tago Su’aalihii laga weydiiyey labada murasahx amaanka dalka mareykanak iyo dhaqaalihiisa hadana waxaa kamid ahaa su’aalihii la weydiiyey xaaladaha dalalka Somalia , Sudan, Afghanistan, Ciraaq iyo dalka Pakistan.

Senator McCain mar wax laga weydiiyey sidee u aragtaa xaaladda Gobolka Darfuur ?

Senator McCain waxa uu yiri “Dowladda federalka KMG Somalia  ayaa mas’uul ka ah xasuuqa kadhacay Gobolka Darfuur, wuxuuna intaas ku daray waana ku faraxsanahay eedeenta uu ugu soo jeediyey xeer ilaaliyaha guud ee Maxakamadda Hague Loweis Moreno Okampo in madaxweynaha Somalia mas’uul ka ahaa xasuuqa kadhacay gobolka Darfuur ee dalka Somalia.

Senator McCain mar wax laga weydiiyey hadii aad ku guulasyato doorashada Malaga yaabaa in Ururka Alqaacidda kula dagaalanto gudaha dalka Pakistan?

Senator McCain waxa uu ku jawaabay “Marka hore waxaan adkaynaa xudduda ay wadaagaan dalalka ciraaq iyo Pakistan kadib ayaan ururka Alqaacidda ku beegsanaynaa saldhigyada ay ku leeyihiin dalka Pakistan, iyadoo la ogyahay dalalka ciraaq iyo Pakistan inaysan xuduud lahayn

Horufadhi.com