|
Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo galabta Golaha Wasiirada
Soomaaliya ay xil ka qaadis ay ku sameeyeen ayaa sheegay in wareegtada xil
ka qaadistiisa ay tahay mid qabyo ah.
Isagoo degenaan muujinayay ayuu Maxamed Dheere sheegay inuu ku faraxsan
yahay dimoqraadiyada dalka ka jirta, isla markaana ay tahay sharci ah in
shaqsi xilka laga qaado iyo in xil loo magacaabo.
"Aniga wareegtada xilka leyga qaadin si caadi ah iima soo gaarin, laakiin
Idaacadaha ayaa maqlay, laakiin wareegtada wali waa qabyo"ayuu yiri Maxamed
Dheere.
Wuxuu sheegay in xil ka qaadistiisa ay ka harsan tahay saxiixa Madaxweynaha
oo kaliya, hase ahaatee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha uu leeyahay soo jeedisan
sida uu sheegay in isaga horay loogu magacaabay.
"Ra'iisul Wasaaraha soo jeedin ayuu leeyahay, xil ka qaadista waxaa leh
Madaxweynaha, taasna waa dastuur dalka uu yaala, mana ahan mid aniga la igu
roonaanayo iyo mid la igu darnaanayo, aqbalaada waxaa leh Madaxweynaha"ayuu
mar kale ku celiyay Maxamed Dheere oo u muuqday mid ku kalsoon Madaxweynaha.
Maxamed Dheere wuxuu ku faanay in Muqdisho uu wax weyn ka qabtay, tan iyo
markii xilka Gudoomiyaha loo magacaabay, taasna uu sheegay in ay tahay wax
muuqda sida uu yiri.
Wuxuu kaloo sheegay Maxamed Dheere inuu la yaaban yahay in xilna laga qaado
eedna loo soo jeediyo, taasoo ugala jeeday wareegtada Golaha Wasiirada ay u
cuskadeen xil ka qaadistiisa, sida muuqatana Maxamed Dheere kuma qanacsana
xil ka qaadistaas, wuxuuna ku doodayay in Madaxweynaha uu yahay mid xilka
magacaabaya xilkana qaadaya hadii buu yiri uu soo jeediyo Ra'iisul Wasaaraha.
Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto,
iyadoona sida muuqata Madaxweynaha uu yahay shaqsiga u horeeya ee ka soo
horjeeda xil ka qaadistaas, waxaana laga yaabaa in Madaxweynaha iyo Ra'iisul
Wasaaraha ay isku khilaafaan xil ka qaadista Maxamed Dheere.
Hamse, M Abdi
SOmalia
Wya2007@hotmail.com |