|
|
Waa kuma Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan Madax waynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan Nairobi, Kenya , Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2007
Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo
idil eebe ayay u sognaatay naxariis iyo nabad galiyo rasuulka SWC kor
kiisa ha ahaato intaa ka dib
Qormada Asbuucaan
waxaan ku soo qaadanayaa Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan Daar Madax
waynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya (1908-June-8 -2007)
Waa madax waynihii ugu
horeeyay 53-da dal ee Qaarada Afirka oo idil si calaad ah uga dagay
Kursiga madaxtimada taas oo soomaaliya Magac wayn u soo jeediy oo tusaale
lama ilaabaan ah ay ka dhigtaan Madaxda afrika.
Waxaa ay dadka
yaqaanay ku tilmaamijreen inuu ahaa nin wadani ah oo markaasi dadka iyo
dalkaba dantooda aad u danayn jiray,waxaa uu ahaa nin aysan waligiis soo
galin raad ama wado tuhun is dabamarin ama musuq maasuq,waxaana la sheegaa
In mudadii uu xilka hayay oo mushaarkii xafiiskiisa oo ka qaadanayay inta
uu kaydiyay dib ugu soo celiyay dowlada kaas oo dib loogu dhisay xarun ay
ay dowladu ku lee dahay magaalada Afgooye,waxaa uu aamin sanaa Eebe ha
geeyee Janadii In ay soomaaliya 5tii qayb ee Somaliweyn,waxaana oo
diidanaa Soomaali Galbeed xayndaabka xuduudeed ee ragii la iska xoreeyay
ay ku xeereen,
Waxaa ay dadka yaqaanay ku tilmaamijreen inoo ahaa nin wadani ah oo markaasi dadka iyo dalkaba dantooda aad u danayn jiray,waxaa uu ahaa nin aysan waligiis soo galin raad ama wado tuhun is dabamarin,waxaana la sheegaa In mudadii uu xilka hayay oo mushaarkii xafiiskiisa oo ka qaadanayay inta uu kaydiyay dib ugu soo celiyay dowlada kaas oo dib loogu dhisay xarun ay ay dowladu ku lee dahay magaalada Afgooye,waxaa uu aamin sanaa Eebe ha geeyee Janadii In ay soomaaliya 5tii qayb ee Somaliweyn,waxaana oo diidanaa Soomaali Galbeed xayndaabka xuduudeed ee ragii la iska xoreeyay ay ku xeereen,
Sanadkii 1929 ayaa waxaa uu ka dhameeyay magaalada Mogadishu waxbarashada Sare isagoo1941 dalal dibada ah wax ka soo bartay, waxaa uu bilaabay ganacsi isaga u gaar ah balse dalka soomaaliya uu ku jiray gacan shiyeeye ma uusan sii wadin ganacsigii waxaana sanadkii 1944 uu ku biiray (Kulanka Dhalinyarada Soomaaliyeed Somali Youth Club).
Sanadkii 1946 ayaa waxaa ay Dhalinyaradii u magacaabeen xoghayahooda ee magaalada Balad wayne, 1951-1956 waxaa uu madax ka ahaa gobolka Mudug oo ka mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya,isagoo wakiil uga ahaa (S.Y.L), 1954 waxaa uu madax u noqday Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee Somali Youth League)isagoo sidoo kale xilkaasi sii hayay ilaa 1956 ,Waxaa mar kale dib loogu doortay madaxtimimada Ururka S.Y.L sanadkii 1958.
Marxuum Aadan Cabdulle
Cusmaan Daar uu ahaa Xildhibaan waxaana loo doortay 1-Jully 1960
inoo noqdo madax waynihii ugu horeeyay ee Soomaaaliya isagoo madaxtimada
dalka soomaaliya loo doortay mudo 1 (Hal sano ah) 1961
balse dib ayaa waxaa loo doortay Marxuum Aadan Cabdulle Cusman Daar mudu
lix sano ah waxaana uu xilkaa ka dagay sanadkii 1967,waxaana
xiligaasi doorashadii dhacday ka guulaystay ,C/Rashiid Cali Sharma'arke,
25/May/1963dii ayaa waxaa uu ka qayb galay madax waynaha Soomaaliya
Marxuum Aadan Cade dhismihii Ururka Midnimada Afirka isagoo ka mid ahaa
ragii dhidbaha u taagay,
1964
Marxuum Aada Cade waxaa uu dalka Soomaaliya ka difaacay Ciidamada Cadowga
ee Ethiopia oo xiligaas weerar ku soo qaaday Soomaaliya si ay u sii
banaystaan gobolka Soomaali galbeed ee Soomaaliya.
Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan inta oo xukunka madaxtimada dalka soomaaliya hayay waxaa uu si aad ah ugu caan baxay.
1-Ku dadaalidii Soomaaliweyn sadexdii qaybood ee Soomaaliya ka jireen Gumaystihii Soomaaliya haystay, 2-Isku keenida iyo midaynta Maamulkii shuruucda iyo shaqaalihii labada qaybood ee uu dalka ka koobnaa. 3-Aasaaskii Ciidamada 4- Dhiiri galinta aqoonta iyo waxbarashada.
Intii ay dagaalada Sukeeya ka socdeen dalka Soomaaliya 16kii sano waxaa uu Aadan Cade Ku noolaa Degmada Janaale oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose halkaasi beer uu ku lahaa.
Marxuumka ayaa maalintii
Jimacaha ahayd ee ay bishu ahayd 8 June 2007 waxaa uu ku geeriyooday
Isbitaalka Nairobi Hospital halkaasi oo uu in dhawaale ku naxnuun sanaa.
Waxaana la filayaa in
maalinta bari ah ee 11 June lagu aaso magaalada Mogadisho ee caasimada
Soomaaliya halkaasi oo aas qaran loo samayn doono,waxaan maydkiisa ka
sagootinayo madax ka tirsan dowlada kenya.
Ma soo mari
doonaa Soomaaliya Madax wayne la mid ah MarxuumAadan Cade?
Dadka soomaalida ah ee
siyaasada falanqeeya ayaa waxay is waydiiyaan ma soo mari doonaa
Soomaaliya madax wayne la mid ah Marxuum Aadan cade,waxayna ku sheegaan in
soomaaliya ku adag tahay arintaasi marka laga reebo hadii la helo shaqsi
aamin san Diinta iyo danta Umada kaliya mooyee,
Soomaaliya ayaa iminka
waxaa ka taagan in madaxdii talada dalka haysay ay Soo galiyeen Ciidamadii
waligood la dagaali jiray Soomaalida oo 4 sano ka dib markii ay Soomaaliya
Xoriyada heshay weerarka ku soo qaaday sanadkii 1964
balse oo dalka ka difaacay Marxuum Aadan Cade iyo ciidamadii Dalka
Soomaaliya.
Arinta Mudan Is
waydiintu waxay tahay Soomaaliya Xorinmo raadis ayay ahayd waxii ka
horeeyay 1960 balse way heshay ilaa 1991 laakiinse 1991 ilaa iyo iminka
waxay raadinaysay Dowladnimo balse 2007 ilaa goorma ayay raadin doontaa
Xornimada cusub,ma waxaan u dhaxaynaynaa Xornimo raadin iyo dowlad raadin
goorma ayaan raadin doonaa Hormarka iyo Technolegy-ga caalamku ku
tiigsaday.
halkaan ku soo koobi
Karin oo u baahan in lagu sameeyo baarintaano dheer,iyadoo qoramadu ay
tahay mid aan asbuuc kasta ku soo qaadano shaqsi muhiim ah sidaa darteed
asbuucaan uma aanan diyaar garoobin Taariikhada Marxuum Aadan Cabdulle
Cusmaan Aadan Cade.
EEBE ayaan
waxaan uga baryayaa Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan in Janadii Fardowsa
Geeye Naf kasta way dhiman
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com
Horufadhi.com |