Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka warbixisay markabkii waday raashinka dhacay ee maalin ka hor lagu qabtay dekeda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulkaMaxamed Ibraahim Xaabsade oo la hadlay warbaahinta Muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay ka warqabeen ka hor intaa aanu soo xeran Markabka in uu waday shixnado raashin ah oo dhacsan.

Mr Xaabsade waxaa uu tilmaamay in ay warbixin ka heleenr 15 maalmood ka hor Safiirka Dowladda Federaalka u fadhiya Dalka isu taga Imaaraadka Carabta kaasoo ku wargeliyey in Markabka uu wado Bariis dhacay oo Soomaaliya la gelin rabo sida uu sheegay Xaabsade.

“Markabka waxaa uu ahaa Markab ay saaraayeen Bariis dhacay waxaana warkiisa helnay ka hor inta uusan kasoo shiraacan dalka Imaaraadka waxaan amray in aanan lala hadlin ilaa uu ka soo xiranayo si ay inoogu suurtowdo in aan gacanta ugu dhigno taasina waan ku guuleysanay” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Waxaa kale oo uu sheegay in markabka uu waday ilaa iyo 2 Ton oo Bariis dhacay ahay taasina ay halis gelin kartay umada Soomaaliyeed waxaana uu intaasi ku daray in ganacsatada uu urarnaa ay ku andacoodeen in raashinka uusan aheyn mid dhacay balse uu bada ku qoyay oo kaliy ah.

Markabkan oo ku soo xirtay dekeda magaalada Muqdisho galabnimadii Talaadada waxaana howlaha dejinta raashinka lagu bilaabay isla markii uu soo xirtay laakin waxaa la joojiyey dejinta raashinka 4:00 habeenimo kadib markii uu amar soo saaray Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde oo ku amray in la joojiyo dejinta Raashinkaas.

Raashinka dhacay ayaa caan ka ah in lagu soo daabulo Soomaalia taasina waxaa ay kaga faa'iideestaan ganacsatada Soomaaliyeed nidaam la'aanta ka jirto Soomaalia mudada 18-ka sano.waxaana ay muujinaysaa sida Ganacsatadu aysan ugu Diirnaxaynin dadkooda, aan haysan Shaybaar Caalamo ah oo Kontoroolada waxa dalka soo galaya,

Hamse M, Abdi

Wakiilka Soomaaliya,

 

Horufadhi.com