|
|
Xoogaga Maxaakiimta Islaamiga ee shalay gudaha u galay magaalada Kudhaa ee
gobalka J/hoose ayaa saaka halkaasi laga saaray. Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ayaa shalay weerar ku galay gudaha magaalada Kudhaa, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo deegaanka ah. Deegaanka Kudhaa oo kamid ah gobalka Jubbada Hoose ayeysan horey ugu sugneyn ciidamo ama maamul ka socda Dowlada Federaalka balse waxaa gacanta ku hayey ciidamo deegaanka ah. Maxaakiimta oo aan wax iska caabin xoogleh kala kulmin dadka deegaanka oo ay filan waa ku noqotay weerar deegaankaasi ay kusoo qaadeen. Hadaba wararka deegaankaasi saaka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in barqadii saaka ay kudhaa soo galeen ciidamada deegaanka oo uu iska horimaad dhexmaray kuwii maxaakiimta. Waxayna xubno ku sugan deegaanka Kudhaa ay sheegayaan in halkaasi ay saaka ka baxeen maleeshiyooyinkii maxaakiimta. Waxaana la sheegayaa in ay jirto dhimasho, dhaawac iyo Maxaabiis laga qabtay dhinaca Maxaakiimta oo u gacan galay ciidamada deegaanka. Kudhaa ayaa kamid ah deegaanada illaha dhaqaale kasoo galaan oo ka madax banaan Kismaayo iyo waliba deegaanada kale, arrintaasi oo la aaminsan yahay in ay salka ku heyso weerarka ay maxaakiimta ku qaadeen deegaankaasi. Horey ayaa waxaa u jiray xiriir ka dhaxeeya dadka deegaanka iyo maxaakiimta taasi oo salka ku heysay in aysan wax dagaal ah dhexmarin. Hase yeeshee weerarkii shalay ayaa u muuqday mid maxaakiimta ay ku doonayaan in ay cudud ciidan kula wareegaan deegaanada kamid ah gobalka Jubbada Hoose. Maxaakiimta ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waday weeraro ay ka fulinayeen goobo kala gedisan oo dalka Soomaaliya kamid ah, ayadoo ay dhawaan galeen magaalooyin kamid ah Galgaduud, Mudug, Hiiraan iyo Waajid ee gobalka Bakool oo ugu danbeysay. Magaalada Kudhaa ee gobalka Jubbada Hoose ayaa noqotay goobta kaliya oo ay iska caabin hubeysan kala kulmeen. Horufadhi.com |