Xaalada magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa ka soo daraysa

Jabahad Xoreynta ee Ogadenya ee dagaalka kula jirta Dawlada Itoobiya ayaa tan iyo intii ay fooda is dareen maamulka Puntland waxaa ay ku dhaqaaqday falal aargoosi ah oo ka dhan ah beesha dhulbahante iyaga oo dhinaca u saaraya cilaaqadka ay Puntland iyo Itoobiya ay yeeshan kaaso xiriirka u gooyay dhamaanba hawlihii ay ONLF ka fushan jiraan gobolada Puntland.

 

  Jabahada ayaa shalay si bareer ah dad rayid ah oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante ugu leysay degaanka Farhareeri oo ka mid ah daabiyadaha ay dhulbahantuhu degaan horeyna aanu u iman jirin Jabhanada ONLF. Weerarka shalay ayaa waxaa ku dhintay hal qof iyaga oo dhawaac soo gaarsiiyay mid kale ka dib markii ay ONLF soo weerartay degaankaasi. 

Marxuumka Dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Caraabo Maxmauud Dhagawel halka ninka dhaawacmayna lagu magacaabo Inna Gura Yare..

  

ONLF ayaa haatan ka hor dadka degaanka Farhareeri digniin u siisay ay ku wargalinayaan beesha dhulbahnte in ay ka guurana degaanka Farhareeri taaso qayb ka ah daandaasiga ay Jabhadu ku  dooneyso isku dhac iyaga iyo beesha Siciid Harti  alse aan qayb ka ahayn halganka ay sheegan in ay kula jiraan Xukuumada Itoobiya.

  Degaamada ay ONLF digiinta suiisay ayaan ahayn oo kaliya Farharari waxaase ka mid ah Xirsi-Macaf, Koora Toonshe, iyo Gole oo dhamaan kawad tirsan gobolka Wardheer iyo degmadiisa Danood ee is mamaulka Somalida Itoobiya.   

Subaxnimadii saaka oo ay odayaasha beesha Dhulbahante ka fiirsaneyn cidii ay kala hadli lahaayene dhacadadn foosha Xun ee ay ku kacda Jabhada ONLF iyagoo ay u muuqato waxgaradka kacdoonka ay sameyndoonaan dadka dadkooda sida arxandarada ah loo laayay.

  

ONLF ayaa dhawaan waxa ay shaacisay in ay uu maamulka Puntland u dhiibay Dawlada Itoobiya laba nin oo ka tirsan jabahada ONLF oo ku sugnaa gudaha Puntland has eahate waxaa ay dadka u kuura gala siyaasada ONLF tibaaxayaan in weerarka haatan ONLF ku soo qaaday degaamada beesha Dhulbahante uu yahay mid salka ku haya aarsi labadaa nin ah.

 

   Xigasho

Allcayn.com

 

Horufadhi.com