|
|
Website-yada Muqdisho oo marka Khilaaf soo kala dhex galo Mas’uuliyiinta Ethiopia Buunbuuniya.
Waxaa wax cajiib ah noqotay in marka ay Madaxda sar sare ee Dawladda Soomaalia uu soo kala dhex galo Khilaaf ay Website-yada Koonfurta Soomaaliya ay dhinaca saaraan Dawladda Ethiopia oo ay Buubuuniyaan.
Websiteyadana oo ay ka mid yihiin kuwo markasta Dawladda Ethiopia iyo tan KMG ahba ku tilmaama Cadaw ayaa marla markii uu Khilaaf yari soo kala dhex galo Madaxda sar srae ee Dawlada la walaalooba Dawladda Ethiopia. Hadaan tusale u soo qaato webka dayniile oo la ogyahay sida uu oga hadlo xaaladah Soomaaliya ayaa maanta wuxuu qoraya arin muujinaysa labo wejiilanimo iyo labo Carablayn.
Wuxuuna ciwanaka dhigtay Dawladda Ethiopia oo Nuur Cadde ku taageersan Ficladiisa Cabdi Laahi Yuusufna dlaka ka qabanaysa”!. Hadaba Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Ilaahoow Haa iyo Maya meel hanagaga wada keenin. Ethiopia soow tii Cadawga ahayd soow mahaa ee aad shalay qoreysey ayadaa ka dnabeysa in Nuur Cadee la caydhiyo.
Waxaa kaloo xasuus mudan in Khilaafkii kan ka horeeyey ee u dhexeeyey Ra’sul wasaarihii hre ee Soomaalia Cali Max’ed Geed iyo Madaxweyne Yusuuf ay sedan oo kale ka midoobeen warbaahinta sheegata in ay u hadlaan Koonfurta Soomaalia oo ay dhahaan Geedi ayaa lagu celinaya jagadiis Cabdullaahi Yuusuf ayaa Adis Ababa looga yeedhayaa oo la dhahayaa Kursiga ka deg iyo wax la mid ah. Maantana tii ayeey wadaan wxaana la yiri Beentaada Hore runtaada danbe ayeey u daran tahay xata hadii aad hadda Runsheegaysaan cidi idin rumaysan miiso xtaa kuwo aad magacooda sheegaynyasaan ee aad ku Qaraabanaysaan.
Waxaana ceeb weyn ah in marka dalku uu galo xaalda Siyaasadeed oo qalafsan loo baahan yahay in si Taxadar leh loo abaaro wararka xata wararka xaqiiqada ah qaarkood aan la shaacin. Taasina waa ta lagu yaqaan dadka Wadaniyiinta ah Sida warbaahinta dalka Kenya oo kale oo doorashiidii muranku ka dhashay la ogaa sida warbaahintoodu ay oga qayb qtaaeen. Waxaana hubaa ah in wrabaahinta ay ka mid yihiin Dayniile aysan qorin rag Xidid wadaniyad nimo leh. Waxaana ragaas aan dhihi kara waa kuwo uun leh Fikir aan dhaafsanayn qbaiil iyo Juffo.
Waxaana taasi ay cadaynaysaa in maanta hadii nin ka soo jeeda Jiffada wiilasha dayniile ay Muqdisho keeni lahaayeen Ciidamda Israel ay taageer lahaayeen. Waayo shalay waxaay la hayeen dalka waa la haystaa oo Ethiopia ayaa ku soo duushey maanta waxay lee yihiin Ethiopia ayaa taageersan Nuur cadee oo Cabdi laahi Yuusuf naga qabanaysa. Markaa waxaan u soo jeedin lahaa dadka noocaas ah in ay kala saran wadaniyada iyo qabiilka aysana sheegan wax wadaniyad ah.
H………….M……………..A Horufadhi.com |