|
|
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa
ku eedeeyay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka in ay diinta ka been
sheegaan, isla markaana ay yihiin kuwo qandaraas ka soo qaata kuwo shisheeye. Isagoo Magaalada Baydhabo kula hadlayay Ciidamo Boolis ah lagu soo tababaray Ethiopia oo Ammaanka Magaaladaas in ay sugaan Baarlamaanka uu go'aamiyay ayuu Sheekh Aadan Madoobe tilmaamay in Kooxaha dagaalka kala soo horjeeda ay sheegtaan in ay diinta difaacaan, hase ahaatee uu ku tilmaamay kuwo diinta ka been sheega oo sameeya wax diinta reebtay, isagoona shacabka Soomaaliya ku sheegay kuwo Muslim ah 100% “Waxay dilaan Dad Masjid ka soo baxay, waxay sidoo kale dilaan cid kasta oo ka hor timaada waxa ay doonayaan”ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo carabka ku dhuftay in Diinta Islaamka ay tahay Diin Naseexo iyo Nabadgelyo ah. Sheekh Aadan Madoobe oo hadalkiisa ahaa kii ugu kululaa ee uu abid jeediyo ayaa sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda in ay adeegsadaan dhalinyaro aan aqoon wanaagsan u lahayn Diinta Islaamka, kuwaasi oo sida uu yiri ay madaxa ka qabsada. Wuxuu ugu baaqay Gudoomiyaha Ciidamadii uu la hadlayay in ay u dhabar adeegaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen nabadgelyo la’aanta ka jirta Dalka Soomaaliya, isagoo u balanqaaday in xuquuqdooda meel la saari doono. Hamse, M Abdi SOmalia Wya2007@hotmail.com |