|
|
10 sanno kadib ayaa ay soo baxayaan in warkiisa la helay ninkii ka dambeeyey
qaraxyadii lala eegtay safaarada uu Mareykanka ku leeyahay Magaalooyinka
Nairobi & Dara Salam kuwaas oo ay ku waxyoolbeen Boqolaal ruux kuwaasoo u
Badnaa dad u kala dhashay Kenya iyo Tanzania. Cabdalla Fazul waa nin u dhashay Jasiirada Comoros waana nin aad ugu dheereeya arrimaha Fojirka isla markaana lagu eedeeyey inuu lahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyadaas Usbuucaan 10 sanno jirsaday. wuxu kaloo ku Caanbaxay sameynta banbaanooyinka iyo Tababarida Maleeshiyaadka. Mr Fasul ayaa in dhawaalaba la sheegaayey inuu ku suganaa gudaha dalka Soomaaliya oo ay dalka Kenya leeyihiin xudud Bad iyo beriba leh waxaana hore madaxiisa ay Ameerikaanka u saareen 5 Milyan $ kaas oo la siin doono qofkii soo sheegta meesha uu ku sugan yahay waxaana jiray warar sirdoonka Mareykanka ka soo baxayey oo sheegayey in Cabdalla Fazul oo ay wehliyaan ilaa labo ruux oo kale oo ay Mareykanka aad u baadigoobayeen in ay ka garab dagaalamayeen ciidamdii maxkamada islaamiga oo Bartimihii sanadii 2006 ka talinayey Koonfurta Soomaaliya Tan iyo markii la dilay Macallin Adan Xaashi Ceyrow ayaa ay cabsi ku timid ragg badan oo ku jira Liiska dadka uu Mareykanka waxaana la leeyahay waa tan keentay in Cabdalla Fazul uu ku laabto dalka Kenya Fasul ayaa la sheegay in uu si dirqi ah kaga baxsaday ciidamada Booliska Kenya kadib markii la soo helay inuu ku sugan guri ku yaal magaalada loo dalxiis tago ee Malindi, waxaana hadda soo baxay in Mr Fasul uuu arrimo caafimaad u yimid dalka Kenya oo uu si qarsoodi ugu soo gudbay xaduuda Kenya & Soomaaliya lana sheegay in xannuun Kilyaha uu dareemayo Tani ayaa ah baxsashadii labaad ee uu ka baxsado ciidmada Kenya iyadoo iminka ay soo baxayaan in uu Mr Fasul uu sirdoonka Kenya uu ka helay rag warkaan hoos ugu soo dusiyey una sheegay in la qaban doono tani ayaa weji gabax ku ah sirdoonka Kenya Mar Shebekeda Horufadhi ay wax ka waydiisey Sarkaal sare oo ka mid ahaa Ciidankii ka qayb qaatay guriga uu ka baxsaday Fasul. wuxuu ii sheegay in laga yaabo in ay ahayd wqar qaldan warka sheegaya in uu Abdalla yimid Malindi. wuxuuna Yiri" Anigu waxaan amarka helay Saraakiisha sar sare waxaanu ku baxnay ugu yaraan 30ka mid ah Ciidamada sida Milaterga u tababaraan." waxaanu isku Gadaaney Guriga Tuhunku galay Laakiin waxba kama anan helin" mar aan waydiiyeye Su'aal kale oo ahayd bal in laga yaabo in uu wlei joogo Kenya wuxuu dhahay waa dhici kartaa" wuxuu kaloo
sheegay sarkaalkan oo iga Codsaday in aanan Magaciisa warbaahinta gelin. in
ay ku dabajoogaan sidii loo Hubin lahaa in uu weli Kenya ku sugan yahay
Fasul iyo in kale. dhawaan ayeey ahayd markii wasiirka Aminiga ee kenya Geoge Saitoti uu sheegay in ay sirdoonka Maraykanka u gudbiyeen maalmo ka hor qaraxii 1998 suurta galnimada qaraxyo lala beegsdo safaaradahooda Nairobi iyo Tanzania. taasoo uu sheegay wasiirku in ay iska idnho tireen oo ay dhayal sadeen. wuxuuna ku Eedeyey in ay Fududeysteen Sirdoonka dalka kenya oo warbixintaas u Gudbiyey Hay'ada CIA_Da. 7-8-1998 ayey ahayd markii labo qarax oo kala danbeyey daqiiqado lala beegsaday safaaradihii Ameericaanku ku kala lahaayeen Dare-salaam iyo Nairobi. waxaana Xuskoodii inaga xiga mudo hal maalin ah ayadoo maalinta Khamiista la xusi doono.
Ustaad: Suleiman Mohamud Hashi. Nairobi Kenya.
Horufadhi.com |