|
|
aramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in si deg degleh wax looga qabto
khilaafka kasoo ifbaxaya Dowlada Federaalka Soomaaliyeed, waxayna ugu
baaqeen xukuumada in ay ka shaqeyso nabada. Ahmed OUlad Cabdallah oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khilaafka laga soo sheegayo inuu dhexgalay Dowlada Federaalka Soomaaliya, asagoo sheegay in arrintan ay caqabad ku noqon karto dadaalkii iyo nabadeyntii Soomaaliya. Ahmed Oulad ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal deg deg ah loo helo khilaafkaasi keenay in qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Nuur Cadde iscasilaan, wuxuuna ka digay burbur ku yimaada xukuumadan. Ahmed OUlad ayaa sheegay in Xukuumadan looga baahan yahay in ay dhameystirto nabadeyntii laba bilaabay islamarkaana ay fuliso heshiiskii ay saxiixday ee 9kii June kula gashay magaalada Jabuuti isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya. Hadaladan Wakiilkada Qaramada Midoobay ayaa soo baxaya maalin kadib markii ay ku dhawaaqeen in ay xilkii ka tageen qaar kamid ah Wasiirada DFKMG Soomaaliya Hamse, M Abdi SOmalia Wya2007@hotmail.com |