|
|
Xoogaga Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe mar kale gudaha u galay Magaalada
Baydhabo, kadib markii ay weerar ku qaadeen xarun Ciidamada Booliska ku
leeyihiin Xaafada Mursal. Iska hor imaadkaas ayaa socday muddo ku dhow 1-saac, kaasoona labada dhinac isku adeegsanayeen Hubka noocyadiisa kala duwan oo xalay magaalada oo idil laga wada maqlayay. Inkastoo saaka xaalada magaalada tahay mid degan, ayaa wararku waxay sheegayaan in Xoogaga Alshabaab ay la wareegeen fariisinkii Ciidamada Booliska, inkastoo markii dambe ay isaga baxeen. Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha uu geystay iska hor imaadkaas xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo, kaasi oo saaka dadka magaaladaas ay hadal hayaan. Weerarkan ayaa waxaa uu noqonayaa kii labaad mudo bil gudaheeda ah waxaana weerarkan ka horeeyay lagu qaaday garoonka diyaaradaha iyo xarunta madaxtooyada kaasi oo geystay qasaare nafeed walow ay masuuliyiin u kala hadlay maamulka gobolka Bay iyo xarakada Al shabaab ay siyaabo kala duwan uga hadleen weerarkaasi. Hamse, M Abdi SOmalia Wya2007@hotmail.com |