Amas Wako waxuu sheegay in Doorashadii dib loo tiriyo cododkii la dhibtay asagoo sheegay in gebi ahaanba ay ahayd Xaraan Maqdac ah.

War laga sii daayay telefishinka Kenya ayuu ku sheegay in dib loo tiriyo codadka sida ugu dhaqsaha badan.asoo arinkaas ku cel celiyey arinkaas oo Carrabkana ku dhejiyey in la joojiyo Waxa uu ugu yeeray Gumaadka ka soconaya Dalka oo dhan.

Hadalkan Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa ka danbeeyay markii dib loo dhigay isku soo bax weyn oo ka dhici lahaa magaalada Nairobi maanta, taasi oo uu ku baaqay Raila Odinga. kaasoo ay Dawladdu u diidey dadka in ay dhiibtaan Fekerkooda Walow dadku ay muujiyeen in ayw ax kasta ku doonayaan si Nabad gelyo ah oo ay Gacmahana ku wateen Caleemo qoyan. wuxuu isku soo baxu ka soo biloowday ilaa Degmada Thika ee Duleedka magaalada Nairobi ilaa ay ka soo gaareen Uhuru Park oo ah Bartamaha caasimada hoos ka eeg Khariitrada Nairobi. arinkaasooo muujiyeye in raila oo yahay Shakhsiga abid ugu taageerayaasha badan Waddamada Geeska Afrika iyo Kenya ba.

Odinga ayaa sheegay inuu u joojiyay dibed baxaasi in laga fogaado dhiig kale oo daata oo dad badan ay ku dhintaan.

Booliiska Kenyan ayaa gaaska dadka ka ilmeysiiya ku furay dad isku soo baxay oo doonayay inay ka qeybgalaan dibed bax weyn oo uu ku baaqay hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga in hal milyan qof ay isugu yimaadaan Fagaaraha Uhuru.

Banaanbaxa ayaa waxa mamnuucay dowladda oo sheegtay inuu yahay mid sharci darro ah.

Mar sii horaysay Odinga ayaa BBC wareysi uu siiyay waxa uu ku sheegay in maanta ay tahay maalin kala bax, oo ku weyn dadka reer Kenya.

Ilaa 300 oo qof ayaa ku dhintay rabshado ba'an oo ka dhacaya dalka Kenya, kadib muran xoog leh oo ka dhashay doorashooyinkii madaxtinimada ee todobaadkii hore ka dhacay waddankaasi.

 

k
Kenya waxaa hareeyay rabshado waaweyn mudo todobaad ku dhaw

 

Labada dhinac ayaa midba kan kale ku eedeeynaya rabshadaha ka soconaya Kenya iyadoo ay socdaan dadaal xagga diblomaasiyadda ah oo lagu doonayo in rabshadaha lagu qaboojiyo, laguna dhexdhexaadiyo Madaxweynaha iyo hogaamiyaha xisbiga mucaaradka.

Mareykanka iyo Britain ayaa ugu baaqay labada dhinac inay wada shaqeeyaan, iyadoo magaalada Nairobi uu tagayo wafdi ka socda Midowga Africa oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Ghana John Kufuor oo dhexdhexaadinaya labada dhinac. walow socdaalkiisuna dhawr jeer dib u dhacay Sababo aan la sheegin Awgeed. hase yeehsee maanta oo jimce ah ayaa laga sugayaa Nairobi in uu soo gaadho.

Hindise Cusub oo uu soo bandhigay raila Odinga ayaa dhahaya waa in la sameeyaa Dawlad KMG ah oo uu Ra'iisal wasaare kla noqdo Mr:Odinga isla markaana sadex Bilood ku soo qaban qaabisay Doorashooyin Guud Arinkaas oo ay Durbaba soo dhaweeyeen dalalka Caalamka qaarkood ay ugu Horeeyaan Maraykanka iyo Britain. weli waxaa meelah qara ka soconaya iska Hor'imaadyo goos goos ah ayadoo Xafadda KIBERA ay weli ka Go'an yihiin Biyihii iyo Korontadiiba. Madaxweyne Kibaki ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo wada hadalo toos ah oo dhex maraya asaga iyo mucaraadka laakiin horta la joojiya buu yiri dhiiga daadanaya oo dhibku dhamaado.  

Raila Odinga visits Massaba Hospital, 3 Jan 2008

n
Qariirada bartamaha magaalada Nairobi

Suleiman Mohamu Hashi Editor of Horufadhi.com Xaashi2008@hotmail.com

 


 

Horufadhi.com