Garabka Jabuuti ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo gaaray garabka Asmara, kaasi oo ahaa in saacadaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan Hogaan Cusub oo uu yeesho Isbaheysiga.

Madaxa Warfaafinta ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta Garabka Jabuuti Saleebaan Colaad Rooble ayaa sheegay in Xubnaha ku sugan Asmara ay yihiin kuwo tiro yar, isla markaana dhamaan Isbaheysigii oo idil ay wada joogaan Magaalada Jabuuti.

Mr Colaad waxaa uu sheegay in aanay jirin sharci ay ku dooran karaan Gudoomiye cusub, isagoo sheegay in tirada joogta Asmara ay yihiin 25xubnood.

"Waxaa is weydiin mudan 25xubnood wax ma magacaabi karaan, iyadoo la ogsoon yahay in dhamaan isbaheysigii oo idil wada joogaan Dalka Jabuuti"ayuu yiri Saleebaan Colaad Rooble oo si kulul uga jawaabay Hadalka ka soo yeeray Garabka Asmara.

Mad madowga u dhaxeeya dhinacyada u kala jabay Jabuuti iyo Asmara ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa waxaa uu u muuqdaa mid sii laba laabmaya, iyadoona labada dhinac ay wadaan dhaq dhaqaaqyo xoogan.

Sida muuqata kala jabsanaan Isbaheysiga waxaa uu guul weyn u yahay Dowladda Federaalka oo iyadu ka nasan la' Mucaaradnimada iyo jalaafooyinka ay maleegayaan Kooxaha ku kacsan, mar hadii kooxihii iyada ka soo horjeeday isku dhacsan yihiin waxay taa u aragtaa in ay guul u tahay.

Hamse M, Abdi

Somalia

Horufadhi.com