Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ayaa saaka gebi ahaanba faarujiyay Magaalada B/weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ay mudooyinkan gacanta ku hayeen.

Ka bixitaanka Ciidamada Maxkamadaha ayaa ka dambeeyay kadib wada hadalo u soconayay maalmahan Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Maxkamadaha, iyadoo ujeedada kulankaas uu ahaa mid lagu baajinayay xiisadaha colaadeed ee beryihii u dambeeyay ka jiray Magaalada B/weyn.

Ciidamada Maxkamadaha ayaa Magaalada B/weyn kaga sugnaa Goobo Muhiim ah sida Xarumihii Maamulka, Saldhiga Booliska iyo Xabsiga Magaalada oo ay markii ay soo galeen halkaas dageen.

Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay wadeen dadaalo ballaaran oo ay ku joojinayaan xiisadaha ka jiray B/weyn, iyadoona kulamo ay ku qaboojinayaan xiisadahaas la qaatay Saraakiisha Maxkamadaha iyo Ciidamada Ethiopianka ee ku sugan Buurta Janta Kundishe.

Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshow ayaa sheegay in kulamadii labada dhinac ay la qaateen ay kaga ansixiyeen in la sameeyo Ciidamo Madani ah oo suga amaanka, isagoona intaa ku daray in Ciidamada Ethiopianka ka dalbadeen in aysan soo gelin Magaalada, taasoo uu sheegay in ay ka aqbaleen.

Dadka deegaanka oo maalmihii u dambeeyay waday barakac xoogan ayaa soo dhoweeyay ka bixitaanka gudaha Magaalada Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga, kaasoo ay ku tilmaameen tallaabo horay loo qaaday.

Hamse, M Abdi

SOmalia

Wya2007@hotmail.com