|
|
Senator Barack Obama, Musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ugu tartamaya xilka madaxtinimada dalka Maraykanka oo socdaal ku maraya Qaaradda Yurub ayaa baaq u jeediyay dalka Iran. Obama waxauu ugu baaqay dowladda Iran inaanay sugin inay la xaajooto madaxweynaha xiga ee dalka maraykanka. Wuxuu ugu baaqay dowladda Iran inay xal la gaarto reer Galbeedka muranka ku aadan barnaamijkeeda Nuclearka ka hor doorashada madaxtinimada dalka Maraykanka. Barack Obama ayaa hadalkaasi jeediyay isagoo jooga magaalada Paris halkaasoo uu kula kulmay mas’uuliyiinta dalkaasi oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy. Obama ayaa hadda ku sugan magaalada London, ee caasimadda dalka Ingiriiska. Aqalka Cad ee magaalada Washington ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mr. Obama uu la kulmi doono ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska Gordon Brown. Intii uu ku sugnaa magaalada Paris waxa u sidoo kale la kulmay hogaamiyaha qurbo joogga ah ee Tibet Dela’i Lama. Barack Obama ayaa socdaalkiisa dibadda ku soo gabagabeynaya magaalada London ee dalka Ingirisiiska. Madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy waxa uu sheegay in Obama uu muhiim u yahay qaaradda Yurub isla markaana hindisayaal fiican uu ku tartamayo. Obama ayaa isaga ku farxay soo dhoweynta uu kala kulmay dalka Faransiiska.
Horufadhi.com News Update. |