Waxgaradka iyo aqoonyahan ka soo jeeda Puntland ayaa baaq ka soo saaray
magaalada Nairobi dalka Kenya, baaqaasoo lagu cambaareynayo falkii dhawaan
Itoobiya loogu gacan geliyay dad ka soo jeeda gobolka Ogaadeenya. Ku:Dhamaan
Shacabka Reer puntland
Ku: Madaxda Maamulka Puntland
Ku: Isimada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya
Ku: Shacabka Soomaaliyeed.
Ku: Shacabka ku dhaqan OGADEN
UJEEDO: CAMBAARAYN FALKII FOOSHA XUMAA EE MADAXDA PUNTLAND KU
QABQABTEEN DAD SOOMAALIYEED,UGUNA GACANGALIYEEN CADAWGA ITOOBIYA
Ka dib markii ay yeesheen waxgaradka ,aqoonyahanada, culuma u diinka,
ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan
Magaalada Nairobi, kulan dheer oo si weyn loogu lafa guray xubnihii shacabka
Soomaalida ah ee OGADEN iyo dadkii muruqmaalka ahaa ee loo gacan
galiyey Itoobiya iyo qaabkii foosha xumaa ee dadkaas walaalaheena loogu
dhiibay cadawga ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa la isla gartay in aan
arrintaas laga aamusi karin, islamarkaasna waxaa laga soo saaray bayaan
looga xun yahay, laguna cambaaraynayo falkii aadka u foosha xumaa.
Markii aan aragnay in falkaasi ka soo horjeedo shareecada diinta Islaamka,
islamarkaasna sidoo kale uu ka baxsan yahay dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed,
ayna tahay mid wax u dhimaysa diinta islaamka, xuquuda qofka bini aadamka ah
iyo karaamada Shacabka Reer Puntland , kaasoo ahaa fal lagu raali galinayey
gaalo cadaw ku ah diinta iyo dadka Soomaaliyeed.
Ka dib markii falkaasi ku dhaqaaqeen ma’suuliyiinta Puntland, islamarkaasna
qaarkood si cad u qirteen inay dhiibeen qaar dadkaas ka mid ah, isagoo
Maamulka hore u gacan galiyey dad Soomaaliyeed iyo Muslimiin aan wax dembi
ah galin, ayna madaxda maamulkaasi garab mareen hadafkii loo aas aasay ee
ahaa inay ilaaliyaan danaha ummadda Reer Puntland iyo tan ummadda
Soomaaliyeed ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in aan soo saarno qodobo
dhowr ah oo lagu cambaaraynayo falkaas foosha xun, waxayna kala yihiin sida
tan:-
1. Waxaan si qoto dheer u cambaaraynaynaa falkii gurracnaa ee foosha xumaa ,ayna
madaxda Puntland ugu gacan galiyeen cadawga Itoobiya dad Soomaaliyeed oo ay
naga dhaxayso diin,dal, wada dhalasho xiriir dhow oo ganacsi.
2. Waxaa si gaar ah u dhaleecaynaynaa dadka sida gaar ah uga dambeeyey
falkan, waxaana uga digaynaa guud ahaan dadka falalkaas xun xun ka
shaqaynaya inay ka waantoobaan, hadii kale shacabka reer Puntland uma
dulqaadan doonaan, waana lala xisaabtami doonaa maalin maalmaha ka mid ah.
3. Waxaan u sheegaynaa walaalaheena sida gaar ah dhibaatada loogu geystay in
aannan raali ka ahayn falkaas foosha xun, islamar kaasna sameynta ficilkaas
ku kooban tahay shaqsiyaad caadaystay gadashada dhiiga shacabka Soomaaliyeed,
kuwaasoo doonaya inay isku diraan ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah
iyagoo fulinaya dano Gumeysi waji iyo mansabna kaga raadsanaya.
4. Sidaas darteed waxaan ugu baaqaynaa labada shacab ee walaalaha ah in ay
dhawraan nabada iyo wada noolaanshaha, islamarkaasna fahmaan ujeedooyinka
iyo qorshayaasha gumeysiga ee ah in la isku dhufto shacabka Soomaaliyeed ee
walaalaha ah si ay ugu hirgalaan ujeedooyinkooda gurracan.
5. Waxaa maalmahaan ka dhextaagnaa Maamulka Puntland habacsanaan iyo maamul
xumo baahsan, sidaas darteed waa inuu Maamulku dib isu saxaa.
6. Ugu dambayn waxan ka xunahay falalka isugu jira Xasuuqa,dilka kufsiga
boobka iyo barakicinta shacabka ee laga wado koofurta Soomaaliya iyo guud
ahaan Soomaaliya oo dhan, waxaana ugu baaqaynaa Ummadda Soomaaliyeed inay
wada hadal ku dhamaystaan arrimahooda oo aysan xalka sugin gacan shisheeye.
SAXIIXAYAASHA BAYAANKAN:
1. Axmed Cabdile Jibriil
2. Isin Cabdilaahi Maxamuud Aadan
3. Sh. Ismacil Xaaji Warsame
4. Siyaad Aadan Muuse
5. Cabdirasaaq Jaamac Jaqalo
6. Cabdiqani Axmed Geelle
7. Burhaan Cabdi Abshir
8. Mahad Aadan Maxamed
9. Garaad Cabdi Yare
10. Axmed Cabdirashid Cali
11. Maxamed Nuur Shire
12. Axmed Cabdiqaadir Nuur
13. Siciid Cali Aadan
14. Cabdirisaaq Ismaciil Xaashi
15. Cabdiraxmaan Saciid Cismaan
16. Maxamuud Maxamed Ciise
17. Cabdulaahi Maxamed Faarax
18. Nasteex Bashiir Maxamed
19. Muuse Cabdi Cawad
20. Bille Faarax Cabdi
21. Cabdisalan Cumar Ismaciil
22. Faarax Cabdi Xujaale
23. Cabiraxmaan Muuse Faarax
24. Xasan Axmed Maxamed
25. Axmed Maxamed Xuseen
26. Cabduqadir Khaliif Cabdinuur
27. Mahad Maxamuud Warsame
28. Mukhtaar Huruuse Xaashi
29. Jaamac Ismaaciil Cilmi
30 Cumar Xassan Jaamac
32 Ahmed Nuur Qorane
Xafiiska Horufadhi.com ee Nairobi,Kenya
Xaashi2008@hotmail.com