|
|
ugu yaraan 12 kamida burcad badeedii afduubka markabka ugu haystay xeebaha
deegaanka garacad ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in duqaymo lagu dilay kadib markii sida la sheegay diyaaradaha dagaalka ee fanasiiska ay ku duqeeyeen deegaanka qori gees dheere oo u dhaxaysa degaamada garacad iyo dhinooda oo lagula balamay in loogu geeyo lacago madax furasho ah oo ay maanta kusii daayeen shaqaalihii saarnaa markabkaasi sida uu Horseed Media u xaqiijiyay Gudoomiyaha gobolka Mudug daahir C/qaadir (daahir Afloow) oo nala soo xiriiray. Gudoomiyaha gobolka mudug waxaa uu sheegay in mar uu xiriir la sameeyay gudoomiyaha degmada jariiban C/casiis xaarin uu u xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu duqeeyay burcad badeeda ay ka qayb qaateen todobo diyaarahadaha qumaatiga u kaca ee Helocoptarada iyo diyaarad yar oo iyana nuuca wax sawirto ah. Gudoomioyaha gobolka Mudug ayaa sidoo kale sheegay in duqayntaasi ay waxyeelo kasoo gaartay dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan deegaanka garacad oo burcad badeeda lagu duqeeyay. Horseed Media oo xiriiro kala duwan la samaysay deegaanada garacad iyo dhinooda ayaa loo xaqiijiyay in Kooxdan burcad badeeda ah garaacista lagu bilaabay markii la gudoonsiiyay lacagihii madaxfurashada ahaa ee ay dalbadeen waxaana la sheegay in qaybtood duqaymaha ay ku geeriyoodeen halka kuwii kalena nolosha lagu qabtay oo ay diyaaraduhu la tageen. Horufadhi.com |