|
|
Xaalada magaalada Burco EE Gobolka Togdheer ee dalka Soomaaliya. ayaa kacsan kadib markii ay ciidamada amniga ee Maamulka isku magacaabay Soomaaliland xabsiga u taxaabeen nin lagu magacaabo Xirsi Cali Xaaji Xassan oo dhawaan ka degay jego uu ka hayey Guddiga Doorashooyinka ee Maamulkaas. Xirsi Cali Xaaji ayaa ahaa Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashada Riyaale wuxuuna xilkaasi iska casilay 40 maalmood kahor kadib markii uu khilaaf xoogan soo dhexgalay asaga iyo daahir riyaale. Xarigaasi oo si weyn xiisad uga abuuray magaalada Burco ayaa keenay in magaalada daafadeeda maanta lagu arko ciidamo badan oo halkaasi lasoo dhoobay. Illaa iyo hada lama cadeyn sababta ninkan loo xiray, ayadoo xarigiisa kusoo beegmayso xili uu khilaaf xoogleh ka jiro maamulka iy ganacsatada kaasi oo la xariira dhinaca Dhoofinta Xoolaha oo Daahir Riyaale heshiis kula gashay shirkada Al jibaari. Xariga Xirsi ayaa laga yaabaa in arrimahaasi ay la xariiraan ama arrimo siyaasadeed oo kale. Guddoomiyaha Burco ayaa sheegay in ninkaasi ay soo qabteen ciidamada amniga, waxayna kusoo qabteen sida uu sheegay asagoo hub sitay. wuxuuna sheegay in Berbera lo wareejiyo Cabsi xaga amaanka ah oo soo foodsaaraty jeelashaas awgeed. Maamulka Daahir riyaale uu madaxda ka yahay ayaa wuxuu si weyn ugu tuntey dhamaan danaha dadka Goboladaas. wuxuuna isticmaalaa ciidamo Calooshood u shaqaystayaal ah oo shacab aan u naxariisan isla markaana qof hadlaba jeel ku rida. xaga Ganacsiya ayaa asaga laftiisa ay Cabudhiyeen riyaale iyo Kooxda ku dabo tukataa. ayadoo la ogsoon yahay in sidoo kale daahir riyaale oo xukunka ku haysto si juujuub ah oo uusan markii hore ee doorashadana uusan ku Guulaysan. dhawaan ayey ahayd hadana markii uu si sharci darro ah uu isugu magacaabay Madaxweyne. uu sheegay in ay ugu dareen Golaha Guurtida oo aan sharci ahayn sida la ogsoon yahay. sidoo kale daahir riyaale wuxuu si gaar ah u ugaarsadaa Beelaha dege Barriga sida Burco oo uu si aan sharci ahayn u qabqabto wax garadkooda iyo Siyaasiyiintooda maadaba uu u arko in ay Maamulkiisa xaqdarada ah ka biyo diidsan yihiin. Hamse M Abdi Horufadhi.com |