|
|
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa soosaarey wareegto uu ku magacaabayo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland, Wareegtadan oo Lanbarkeeda lagu sheegay 28 kuna mudeysan 28.July 2008da ayaa loogu magacaabey Cabdixamiid Garaad Jaamac Wasiirka Arimaha Gudaha. CabdiXamiid Garaad Jaamac ayaa ah siyaasi ka soo jeeda Gobolka Sool
horeyna u noqdey Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawlada iskiid isu taagtey ee
Somaliland. Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa ahayd muddooyinkii u danbeeyay meel aan shaqo ka socon kadib markii wasiirkii hore ee wasaardu Axmed Cabdi Xaabsade uu u galay maamulka Somaliland, iyada oo wasiirkii la bedeley ee Dr. Cabdirashiid Barkhad Warsame lagu sameeyay shaqo joojin kadib markii hanaan socodka wasaarada uu soo galay khilaaf. si kastaba haahaatee lama yaqaan sida ay u wada shaqaynayaan wasiirkan cusub iyo maamulka ay hugaamiyaan Cadde iyo Afqudhac, ayadoo Odoyaashaas looga bartay in aysan is fahmin wasaarada arimaha gudaha oo ay inta badan qabtaan Rag ka soo jeeda Gobolka Sool, Horufadhi.com |