|
|
Ciidamo fara badan oo ka tirsan Askarta Ethiopia ayaa saaka ku waariistay
gudaha xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Balad weyn, iyadoo shacabka reer
Hiiraan cabsi xoogan ay ka muujinayaan imaanshaha Itoobiyaanka. Lama oga sababta ka dambeysay, waxaa saaka lagu arkayaa ciidamada Ethiopia xaafadaha kala duwan ee magaalada Balad weyn ee xarunta gobolka Hiiraan. Dhanka kale, warar soo baxayo ayaa sheegaya in qilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo Ciidamada Ethiopia, kaasoo si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha arrintaasi salka ay ku heyso. Dhowaan ayay aheyd markii dowladda KMG ah shaaca ay ka qaaday in Yuusuf Dabageed, gudoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan xilka ay ka xayuubisay, isla markaana maamul cusub halkaasi ay u magacaawday, taasoo la aamin san yahay in qilaafka xoogan uu dhaliyay.waxaana taasi ay muujinaysaa sida ay Milateryga Ethiopianku u Fulinayaan Amarka Dawladda SOOMAALIYA.
Horufadhi.com |