|
|
Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ayaa si kala duwan
oo uga hadlay dagaalo xoogan oo waabarigii saaka ka dhacay magaalada
Muqdisho, socdayna muddo dhowr saacadood. Dagaaladan oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa ka socday Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, waxaana dagaalka uu dhaliyay qasaare u badan dad rayid ah, markii ay gaareen Madaafiicdii la is dhaafsanayay. Afhayeen u hadlay Maxkamadaha oo lagu magacaabo C/raxiim Ciise Caddow wuxuu sheegay in ay saaka weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ku leeyihiin qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha iyo fariisimo kale oo ay Ciidamada Ethiopia ku leeyihiin Xarunta Warshaddii Baastada iyo Xarunta Warshaddii Xeyla Bariise. C/raxiim Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay halkaas khasaare ugu geysteen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Ethiopia, dhankoodana wuxuu sheegay in ay dagaalka uga geeriyoodeen labo dagaalyahan iyo dhaawaca saddex kale sida uu hadalka u dhiga. Laakin Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus oo wax laga weydiiyay in dagaalka khasaare ka soo gaaray Ciidamada Dowladda, isla markaana lagala wareegay fariisimo ay ku sugnaayeen ayaa wuxuu sheegay in ay wararkaas been yihiin, isagoo carabka ku adkeeyay in Ciidamada Dowladda wali joogaan fariisinka ay ku leeyihiin Isgoyska Towfiiq halkaasoo muddo kooban ay heysteen Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga. Wuxuu sheegay Gudoomiyaha in Kooxaha soo weeraray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia in ay dib u caabiyeen oo ay gaarsiiyeen jab xoogan waa sida uu hadalka u dhigaye. Ma jirto ilaa iyo haatan cid labada dhinac ka madax bannaan oo xaqiijisay khasaare labada dhinac ka soo gaaray dagaalkii saaka dhex maray oo ay isugu adeegsadeen madaafiic xooggan. Dhanka kale waxaa isa soo taraya qasaaraha uu geystay Dagaalka, waxaana ilaa iyo haatan la soo sheegayaa in dhimashada ay mareyso ilaa 8 ruux oo ay ku jiraan saddex isku qoys oo ah Hooyo iyo Labadeeda caruur oo madfac uu ku habsaday Gurigooda. Hamse, M Abdi SOmalia Wya2007@hotmail.com |