|
|
Hogaamiyaha labaad ee Shabakadda al-Qaacida Dr. Ayman al-Dawaahiri oo
dhambaal maqal ah soo diray ayuu wuxuu kaga hadlay xaalada dalka Ciraaq oo uu sheegay dowladda Maraykanka inay ku guul darreysatay 5 sano ka dib. Ayman al-Dawaahiri wuxuu sheegay in madaxweyne Bush uu dhibaatada dalka Ciraaq kaga tegi doono hogaamiyaha bedeli doona. Ayman al-Dawaahiri wuxuu sheegay in siyaasadda Bush ay guul darreysatay ee ku aadaneyd dalka Ciraaq, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in joogitaanka hakinta daadgureynta ciidamada ee July ay marqaanti u tahay guul darrada Maryakanka ka haysata dalka Ciraaq. Ayman al-Dawaahiri wuxuu ku booriyay dagaalyahaniinta al-Qaacida ee ku sugan dalka Ciraaq inay sii kordhiyaan dagaalka ka dhanka ah Maraykanka iyo daba-dhilifkiisa. Hogaamiyaha labaad ee al-Qaacida Dr. Ayman al-Dawaahiri wuxuu kaloo sheegay, haddii Maraykanku uu isaga baxo dalka Ciraaq inuu lumin doono wax kasta, haddii uu joogana ay askartooda dhiig bax u dhiman doonaan. Ayman al-Dawaahiri wuxuu ugu baaqay Muslimiinta inay taageeraan jihaadka dalka Ciraaq, ayna ku biiraan dagaalkaasi. Al-Dawaahiri wuxuu ku nuux nuuxsaday in dagaalka ka socda dalka Ciraaq uu yahay muhiim maadaama lala dagaalamayo buu yiri gaalada Kirishtaanka ah ee duulaanka ku soo qaaday Muslimiinta. Wuxuu kaloo si kulul u weeraray golaha Suniyiinta ee ku biiray dagaalka ka dhanka ah al-Qaacida isagoo sheegay inaysan waxba la ahayn al-Qaacida oo barqo cad ku dhaqaaqi doonto. Al-Dawaahir wuxuu sidoo kale si kulul u weeraray Muqtada al-Sadar wadaadka Shiicada ah oo uu sheegay in uu yahay nin wax lagu shubtay ka dib markii uu amray maleeshiyadiisa inay joojiso dagaalka ay ku hayaan ciidamada Maraykanka. Wuxuu ku eedeeyay inuu yahay nin gacanta ugu jira dowladda Iraan. sidoo kale wuxuu Digniin Culus u diray dalka Iiraan oo uu ku eedeeyey dhul balaadhsi, wuxuu sheegay in Xukuumada Iiraan ay isku balaadhinayso Mandaqada Barriga dhexe taasoo uu ola jeedey Ciraaq, DR:Dawaahiri wuxuu ku nuux nuuxsaday sida ay laga ma maarmaanka u tahay in aan Cadawga la isku Lug qaban, wuxuu Muslimiinta xasuusey xasuuqa ay Yahuudu ka wda Dhulka Falastiin, Horufadhi News Update |