Ciidamadii dhawaan lagu soo tababary dalka Itoobiya ee soo gaaray qeybo kamid ah gobolka Bay ayaa magaalada Beydhabo oo xarun u ah barlamaanka Soomaaliya ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaa lagu arkay gudaha magaalada Beydhabo halkaas oo ay ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana ciidamadaan ay wataan dareeska ciidamada Itoobiya.

Sida wararku sheegayaan ciidamada ayaa howlgallo amaan sugid ah ka bilaabay magaalada Beydhabo halkaas oo dhawaanahaan weeraro isxigxiga ay ay ku qaadeen xoogagga Al-shabaab ee ka horjeeda siyaasadda dowladda KMG ah iyo ciidamada Itoobiya.

Wararka ayaa intaas raacinaya in ciidamada ay si gaar ah uga wadaan dhaqdhaqaaqyo xarumaha dowladda iyo kuwa ciidamada, iyadoo wararka qaar sheegayaan in ciidamadu ay xarumo ka dhiganayaan saldhigyada booliska magaalada Beydhabo.

Si dhab ah looma oga ujeedada ka dambeysa in ciidamada cusub ee lagu soo tababaray dalka Itoobiya ay dhaqdhaaqyo ka bilaabaan gudaha magaalada Beydhbo xilli la filayey inay u soo ruqaansadaan dhanka magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayey aheyd markii guddoomiyaha barlamaanka uu ugu baaqay xukuumadda Ra'isulwasaare Nuur Cadde inaysan dayicin ciidamada cusub ee lagu soo tababaray gudaha dalka Itoobiya.

Hamse, M Abdi

SOmalia

Wya2007@hotmail.com