|
|
Musharraxa Xisbiga dimoqraadiga ee dalka Maraykanka ugu tarmaya Aqalka Cad
Barack Obama ayaa magaalada Baqdaad ka degay, halkaasoo ay uga bilaabmeyso
booqasho la filayo inay ugu yaraan labo maalmood qaadato.wuxuuna kulan sidoo
kale la yeelan doonaan Madaxda Dalkaasi uu u dhiibey Maraykanku oo uu ugu
Horeeyo Nuuri Almaliki, Obama ayaa ka soo kicitamay magaalada Kabul ee dalka Afqaanistaan halkaasoo uu kulamo kula soo qaatay saraakiisha ciidamada Maraykanka ee dalkaasi iyo madaxweynaha dalka Afqaanistaan Xamiid Kharazai. Marka uu soo dhamaysto Booqashadaas waxaa la filayaa in uu u soo Dullo dalal ay ka mid yihiin Israel ,Germany, Britain, France iyo Jordan. Obama ayaa sheegay hadii uu ku Barmooso loolanka adag ee Aqalka Cad inuu Ciidanka Maraykanka ka soo daad Gureyn doono Ciraaq, wuxuuna Hoosta ka xariiqay in mudo ka yar labo sano Gudahooda soo Faarujin doono Iraq, Israel oo qabatay dad dili lahaa Bush"
Sirdoonka Israa’iil ayaa sheegay inay xireen lix nin oo xiriir la leh Al qaacida oo uu ku jiro nin lagu eedeeyay inuu qorshaynayay in dhulka lasoo dhigo diyaarad helicopter ah oo siday madaxweynaha dalka Maraykanka George W Bush. Waaxda amaanka Israa’iil ee Shin Bet ayaa xabsiga dhigtay lixdaan nin ee lagu xiriirinayo shabakada Islaamiga ah ee Al qaacida laba kamida ragan ayaa waxay ahaayeen Israa’iiliyiin carab ah halka afarta kalena ay ahaayeen falastiiniyiin degan bariga magaalada Qudus oo haysta kaarar aqoonsi Israa’iili ah. Shin Bet waxaa ay sheegtay in mid kamida labada carabta Israa’iil ah uu ahaa arday wax ka barta jaamacada Hebrew eek u taala magaalada Jerusalem waxaana la sheegay in isagoo ku jira qolkiisa oo guri dabaq ah saaran uu dusha ka eegayay helicopter meel amaankeeda la ilaaliyay kusoo dagaysa taasoo uu saarnaa madaxweynaha dalka Maraykanka george W Bush markii uu horaantii sanadkan safarka ku tagay dalka Israa’iil wiilka Eedeysanaha wax wara Afkiisa lagama hayo maadaba inta badan Israel aysan Maxkamad saarin Dadka ay Qabato oo ay Si xaq darro ah u Xerato, Waaxda amaanka Israa’iil ee shin bet ayaa waxaa kaloo ay sheegtay in wiilkan ardayga ah uu sawiro ka qaatay deegaankii diyaarada Bush uu saarnaa kusoo dagaysay waxaana lagu eedeeyay inuu la xiriiray bog internet ah oo ay Al qaacidadu isticmaasho una sheegay inay soo ridaan diyaarada madaxweynaha uu saarnaa. ku lug lahaanshaha muwaadiniinta carabta ah iyo kuwa degan Israa’iil ayaa
sabab u ah walaaca laga qabo halkaas maxaa yeelay falastiiniyiinta
fikirkoodu badalan yahay ayaa waxaa ay xor u yihiin inay siday doonaan ugu
soc socdaan Israa’iil gudaheeda. ”dadka waxaa Qasbaya Cadaawada ay muujinayaan Ciidanka Yahuudu waxaan rumaysnahay in nasiibdaro dadku ay sii raja dhigayaan mayal adayga noocaasina ah uu sii kordhayo” Mr wadia Abu Nasser ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in 99% ay carabta
Israa’iil aysan ku lug lahayn falalka argagaxisonimada laba Israa’iliyiin carab ah ayaa xabsiga la dhigay horaantii bishan iyagoo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al qaacida waxaana jira lix kale oo qorshaynayay weeraro ay qaadaan sanadkan kuwaasi oo degan magaalada Jerusalem waxaana taasi ay sababtay in walaac uu ku dhasho qayb kamida Yuhuuda Israa’iil. Suleiman Mohamud Hashi General Editor Of Horufadhi.com Nairobi Kenya |