Gudoomiyaha Isbeheesiga dib u xoreeynta Dalka Soomaaliya Shiikh Shariif shiikh Axmed oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa maanta ka war bixiyay qodobadii ay ku heshiiyeen dhinacyadii maxaakiimta ay ku gaareen magaalada Sanca ee Dalka Yemen.

Shiikha ayaa waxaa uu guul ku tilmaamay in shirakaasi uu ku soo dhamaaday isagoo sidoo kale sheegay in ay meesha ka saareen qilaafkii u dhexeeyay maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed isla markaana ay isla afgarteen qodobadii ay ka wada hadleen.

Waxaa uu shiikh Shariif sheegay in ay gudi ka kooban 13 xubnood u saareen kuwaasi oo loo saaray in ay xukun ka gaaraan arinta la xiriirta keenista dalka Soomaaliya ciidamo ka socda dalalka Islaamka kuwaasi oo loo arko in ay ka dhibaato yaryihiin ciidamada Ethiopia waxaana uu sheegay in ciidamada Ethiopia ay dalka u yimaadeen gumeeysi hase ahaateen ciidamada ka socda wadamada Islaamka aysan u socon gumeesi sida uu shiikh warka u dhigay.

"Shirkeeni Sanca qodobada lagu lafa guray waxaa ka mid ahaa ciidamadani waxaana ay ahaayeen qodobada ugu adga isla markaana lagu kala aragti duwanaa ugu danbeyntiina waxaa loo gudbiyay gudi ka kooban 13 xubnood" ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyaha Isbeheeysiga Dib u xoreeynta Dalka Soomaaliya. wuxuuna sheegay in ay ugu danbeyntii dib u Midoobeen oo ay heshiiyeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shiikha ayaa sheegay in qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen canbaareeynta Dagaalada iyo xabad joojinta iyo qodobo kale ay heshiis ka wada gaareen.

Hadalka Shiikha ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili magaalada Asmara ay ku sugan yihiin Xubno ka mid ah maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed oo saluugsan heshiikii Jabuuti waxaana halkaasi saaka dib ugu laabtay Dr cumar Iimaan Abuu Bakar oo matalayay Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.hadalka Shariifka aya waxa aka dhadhamaysey in ay weli Colaad weyn u muujianyaan Dawladda Federaalka ah.

dadka soomaalida ah ayaa waxay la yaaban yihiin heshiiskii la sheegay in uu ka dhacay Jibuuti waxa ka hagaagay. ayadoo sida la wada Ogsoon yahay aysan jirin haba yaraatee wax ilaa hada laga anisixiyey heshiiskaas ama ka hergalay aya waxaa uun ay umadda Soomaaliyeed maqlayaan Heshiiskii jIBUUTI , waxaana maalin iyo habeen ka soconaya dalka Soomaalia gaar ahaan Caasimada dagaalo aan Joogsi lahayn.

Hamse, M Abdi

SOmalia

Wya2007@hotmail.com