ku yaala oo eey wada dhigtaan arday diimo kala duwan heysta, ayaa shalayto ardadii islaamka ee iskuulka dhiganaysay ay ka dareereen Daabuurka kadib markii daaci Masiixi ah uu aflagaadeeyey diinta Islaamka iyo Eebe weyne (Allah) isagoo jeedinayay qudbad diini ah oo ay maamulka iskuulka ku casuumeen in uu ardayda u jeediyo.

Groote Schuur High School, oo ah iskuulka ay dhacdadani ka dhacday ayaa la sheegey in maamulka iskuulka uu casuumay daaci masiixi ah si uu qudbad ugu jeediyo ardayda iskuulka dhigata ee kala diimaha ah, daaciga ayaa qudbadiisa ku aflagaadeeyey diinta islaamka, hadaladiisa waxaa ka mid ahaa "Jesus is a live, unlike that thing allah= Nabi ciise waa noolyahay, si ka duwan waxa loogu yeero Allah ( Subxaanalaah)", wuxuu kale oo yiri "Islam is a puppet religion"= "Islaamku waa diin been abuur ah, oo maqaar saar ah ama gacan ku samays ah".

Intaasi markii uu yiri ayay ardaydii yaryarayd ee islaamka aheyd ka dareereen Dabuurkii uu ninka ka qudbeeynayay.

Waalidiinta caruurta ayaa u dacwoodey maamulka iskuulka iyo wasaarada waxbarashada, waalidiinta qaarkood oo saxaafada la hadlay ayaa sheegey in ay arrintani tahay mid midab takoor ah, oo naceeb iyo faquuq ku ah islaamka, waxay intaasi ku dareen in loo baahnaa in dadka noocan oo kale ah , marka hore qudbooyinkooda lasoo eego, waxay eedeyn dusha uga tureen maamulka iskuula oo ay sheegeen in ay daaciga u ogolaadeen in uu qudbadiisa sii wato markii uu hadalka yiri kadib, ardaydana ay ka dareereen goobta, laakiin maamulaha iskuulka ayaa sheegay in uusan maqal hadalka sameecada oo haleesneyd darteed, laakiin uu baarayo.

Wasaarada wax barashada ayaa ku dhawaaqday in ay baaritaan dheer ku heeyso arrinta, halka dhawaan la qaban doono shir balaaran oo ay isugu imaanayaan gudiga maamulka iskuulka , kana wada hadli doonaaan arrintani dhacday,

Ururka islaamka ee dalka Soutj Africa ee lagu magacaabo Muslim Judicial Council ayaa sheegey in hadalka ninka gaalka ah kasoo baxay uu yahay mid aanan loo dulqaadan karrin, isla markaasina ay ka qaadan doonaan talaabo cad marka ay baaraan, Mowlana Cabdul Khalid Cali oo ka tirsan MJC ayaa yiri "tani waa arrin aad iyo aad u culus, bulshadu waxay ka koobantahay dadyoow kala diin ah, mana ahan in lasoo hadal qaado wax diin gaar ah wax u dhimaya , waxaana loo baahanyahay in dhug loo lahaado dadka afkaartooda qaldan".

Waa markii labaad sanadkan gudihiisa uu qof wax ka sheego diinta islaamka dalkakaasi, horey waxaa jirtay in nin Profosoor ka ah jaamacada UNISA oo lagu magacaabo Prof. Solomon uu yiri "madaarista diinta lagu barto ee dalkani, waa goobaha dhalinta loogu tabobaro jihaadka iyo argagixisanimada", hadalkaasi ayaa carro weyn ka dhaliyey dalkani, walina doodiisa ayaa socota.

 

Horufadhi.com