|
|
ayadoo Isimada uu la kulmay ay ka kooban yihiin kuwo ka soo Jeeda Gobolada Barri , Nugaal, iyo Mudug. waxaana meesha ka maqan Isimadii SSC oo jira dhulkoodii. Madaxweynaha aya wuxuu sidoo kale hadal ujeediyey Golaha wakiilada ee Maamulka Puntland. wuxuuna kula dardaarmay in yasan kala Tafaraaruqun. ayaga iyo Golaha wasiiradu wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in doorashada 2009ka lagu wado in ay dhacdo aan dib loo dhigin lana doorto Hugaan Cusub haahaato kan hada haya xilka ama mid kalee, inkastoo aan la sheegin Ujeedada dhabta ah ee Socdaalak Madaxweynaha. ayaa hadana dadka Siyaasada Indho indheeyaan ay ku sheegeen kuwo uu ugu kuurgalaya Amaanka Sii xumaanaya ee Goboladaas Puntland. iyo sidii uu ugu Boorin lahaa Saaxiibkiis in uu wax ka qabto amaanka. arinka Laascaanood ayaan ahayn mid Ajendaha ugu jira sida ay Horufadhi u sheegeen Saraakiil sar sare oo diidey in magacooda la shaaciyo Islamarkaana la socda Waftiga Madaxweynaha. waxa kaloo Xusid mudan in intii uu ku jirey qudbadii u ujeedinayay Barlamaanka uusan wax weyn ka dhin xaalka Mandiqada SSC. ama Laascaanood uu uu ku soo gaabsaday in loo baahan yahay in Amaanka Buntland la sugo. taasoo loo Fasirtay in uu Magaalada gaalkacyo ee uu Madaxweynuhu kasoo Jeedo taasoo Beryahan danbe Amaankeedu faraha ka sii baxayeey. Isimadii Gobolada SSC ayaa ayaguna aan Goob joog ka ahayn Halkaasi. waxaana ay badan koodii Joogaan Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn. kamana Oga in ay Soo gaadhi doonaan Garoowe iyo in kale. isku soo wada duubo Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uun ah mid lagu Sifeyey in ay ku egtahay Amaanka Gudaha ee Goboladaas. mana jirto wax rajo ah oo muujinaysa in laga hadlayo xaalka dhulka ay Haystaan Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, halkaas oo ay qabsadeen Bishii October ee Sanadkii ina waydaartey,
Suleiman Mohamud Hashi Tiffatiraha Guud ee Horufadhi.News Update.
Horufadhi.com |