|
|
Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku hubeysan baabuurta Dagaalka ayaa
gurmad ahaan u gaaray Magaalada Xudur ee Gobolka bakool, halkaasoo shalay ay
dagaalo xoogan ka dhacaan. Ugu yaraan 10 baabuurta Dagaalka oo ay saaran yihiin Ciidamada Dowladda oo ka tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Magaalada Xudur oo shalay muddo saacado gacan ku heynteeda la wareegeen Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay u tageen Magaalada Xudur qaab gurmad ahaan si ay gacan u siiyaan Ciidamada Maamulka Bakool oo shalay looga awood roonaaday dagaalkii ay la galeen Xoogaga Maxkamadaha Xaaladda Magaalada Xudur ayaa degan, balse Magaalada ayaa laga dareemay dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay wadaan Maamulka Gobolka Bakool, waxaana Magaalada ku sii qulqulaya Ciidamo fara badan, waxaana Magaalada dib ugu soo laabtay Maamulkii Gobolka iyo Kan degmada. Maalintii shalay ayaa Magaalada waxaa ka dhacay dagaal ay ku dhaawacmeen xubno uu ka mid yahay Guddoomiyihii Degmada Xudur iyo 5 ka mid ah Ilaaladiisa. Horufadhi.com |