|
Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md.
Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo saakay kasoo degay garoonka diyaaraddaha Canoco
ee duleedka magaalada Garoowe ayaa la hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka
Puntland iyo Golaha Wasiiradda, isagoo ku soo qaaday arrimo fara badan oo
khuseeya Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa
ka mid ah Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Maxamed Maxamuud Gaanje iyo xubno
kale, wuxuuna Madaxweynaha uu sheegay in socdaalkiisa ay ka danbeysay kadib
markii Madaxda Puntland iyo dadka kale ay soo gaarsiiyeen hadalo iyo
waxyaabo ka dhacay Puntland, taasoo uu sheegay in ay ogaanayaan xaqiiqda iyo
xaalada ka jirta Puntland.
Md. Cabdullaahi Yuusuf oo khudbadii uu ka jeediyay hoolka Baarlamaanka ayaa
waxaa uu sheegay in wax badan ay isbadaleen tan iyo mudadii uu ka maqnaa
Puntland, wuxuuna sheegay in ay maqan yihiin gobolo uu xiligii maamulayey
Puntland gacanta lagu hayey, wuxuuna tilmaamay in wixii hada ka danbeeya
laga shaqeyn doono sidii dib loo soo celin lahaa, isagoo ku gubaabiyay
Madaxda Puntland iyo shacabka in ay isu tagaan sidii loo sugi lahaa amaanka
deegaanada Puntland.
"Dhegaheena wax badan baa ku soo dhacayey oo meeshaan waa ka dhacay, iney
run yihiin iyo in kalena ma aqaan" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo hadalkiisa
intaa ku sii daray, "Haatan aniga Cadde Muuse ma dooran oo Illaah baa ila og,
Baarlamaankaa halkaa ka soo jeeda baa doortay, haatana isagaa nagu daba wato
inaad tiraahdaan Cadde Muuse waa kaa isbaraxay, wuxuuna yiri doorashada waa
waqtigeeda".
Md. Yuusuf ayaa waxaa kaloo uu u sheegay Golaha Baarlamaanka iyo Wasiirada
in uu dhowr jeer uu hore uu kula taliyay in uusan xiliga doorashada wax ku
kordhin, "Aniga waxaan kula taliyay Ilaah baa og, haduu idiin sheegey iyo
hadii kaleba, Caddow sidii waagii wax noogu dhaceen yeysan u dhicinee
waqtiga ka kordhin , maantase ma guddoonsanaa Caddow iney saas tahay,
doorashadana waa waqtigeeda" ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda KMG oo kula
taliyay Madaxweynaha Puntland in meesha laga saaro inqilaab iyo jujuub
bulsho, isla markaana shacabka loo madax baneeyo cidey doonanayaan.
Mar uu ka hadlayey dhinaca nabadgelyada ayuu sheegay Madaxweynaha in
xukuumadda Cadde Muuse ay ku mashquushay raadinta dhaqaalaha halka
xukuumadda Soomaaliyana ay ku mashquushay arrimaha amniga, wuxuuna u sheegay
Cadde Muuse inaan la calfan doonin dhaqaalaha hadii aanan la helin amni iyo
xasilooni.
"Hadii aadan fikirin oo aadan amni ka shaqeyn dhaqaalaha aad soo saartay
calfan meysid, wasiirkii ku shaqada lahaana ee Federaalkana waa kaas, nin
kaloo ina adeerkaa waaye, arintaasina waan ka hadli doonaa" ayuu yiri
Madaxweynaha oo ka hadlayey dhibaatada amaan la'aanta, wuxuuna intaa
raaciyay inaan Hal Liter la soo saareyn hadii aan amni jirin .
Mar uu ka hadlayey dhinaca rabshadaha ka dhacay degmooyinka PL ayuu sheegay
in dadka ka danbeeya ee leynayo waxgaradka in ay ujeedada ay leeyihiin ay
tahay burburinta Puntland, wuxuuna tilmaamay in ay jiraan rag sheeganaya in
ay dhisayaan dowlad, kuwaasi oo uu tilmaamay in guryahooda la soo burburin
doono.
Madaxweynaha Dowladda KMG ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha dib u
heshiisiinta ee ka socda Soomaaliya isagoo sheegay in ay jiraan dadaalo iyo
guulo la taaban karo, wuxuuna qiray in ay jiraan tiro yar oo ka soo
horjeesatay dib u heshiisiinta Soomaaliya kuwaasoo uu ku tilmaamay iney
yihiin kuwo leh dano gaar oo doonaya in aan la helin wax nidaam ah, wuxuuna
sheegay in dhamaadka bishan in dalka Sacuudiga lagu soo saxiixi doono
heshiiskii dhex maray Dowladda iyo Isbaheysiga garabka nabada qaatay, sidoo
kalena ay jiraan guddiyo la magacaabay oo ka shaqeeeya hirgelinta xabad
joojinta iyo cidii ku xadgudubta heshiiskaasi la gaaray.
Mar uu ka hadlay Madaxweynaha rabshadaha weli ka sii socda ayuu sheegay in
aysan jirin dagaal fool ka fool balse ay jiraan dhalinyaro uu sheegay in loo
soo dhiibo bambooyin oo la yiraahdo meelaha ku tuura kuwaasna ay ciidamada
qaranka ka adag yihiin.
Ugu danbeyntii Md. Yuusuf ayaa si weyn ugu hadlay arinta muran ka dhex
dhalisay Baarlamaanka Puntland iyo xukuumadda ee Dastuurka cusub, wuxuuna ka
yiri "Waxaan waagii hore kari weynay, haatan oo amni jirin ma kartaan,
tirakoob iyo doorasho taam ahna lama sameyn karo ,isbadal waa inuu ku
yimaadaa rabitaanka shacabka, Dastuurkaad sameyseen iyo kan federaalka ee
hada socda hadhow hadii ay is khilaafaan kiina badaleysaan, axdiga qarankana
ma tilmaamayo in DG walba wixii ay rabto iney iska sameysato,hadii ay wax
idinka qaldan yihiin saxa"
Madaxweynaha ayaa ujeedada socdaalkiisa ay qeyb ka tahay sidii arintaasi loo
xalin lahaa sida uu cadeeyay maanta, isagoo xubnaha Dowladda Puntlanna u
sheegay in qeyraadka ku jira dhulka Puntland xiligan aan la isku mashquulin
ee loo so jeesto nabad ka shaqeynta markaasina kadib lagu dhaqaaqo wixii
raadin qeyraad si Soomaalida oo dhan ay ugu macaashto.
Cadde Muuse Xersi ayaa isna halkaasi ugu warbixiyay Madaxweynaha Dowladda
KMG isagoo sheegay in mudo afar sano ah aysan Puntland ka bixin dagaal iyo
dhibaatooyin kale, isagoo sheegay in xukuumad ahaan ay xooga saarayeen
dhaqaale raadin si shacabka baahida looga bixiyo, wuxuuna tilmaamay in
nabadgelyada xiligan dar dar la geliyay oo degmooyinka qaar culeys la saaray
sida magaalada Gaalkacyo oo uu sheegay in xiligan lagu guuleystay wax ka
qabashada xaaladeeda.
Cadde Muuse ayaa sheegay in ay jiraan dad doonayo in ay burburiyaan Puntland,
kuwaasi oo uu sheegay in maamulkiisa soo ogaaday, balse isha lagu haayo,
wuxuu sheegay in hadii aan la dar goyn dadkaasi aan horumar la gaareyn,
wuxuuna dadka shicibka ku amaanay dadaalkooda ku aadan far muuqista ay
ciidamada ugu farmuuqaan kuwa dhibaatada wada.
Magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay Madaxweynaha Puntland in aysan jirin kala
qeybsanaan magaalada ah, isagoo tilmaamay in labada dhinac ee magaalada ay
leeyihiin wada shaqeyn, isla markaana haatan ay u sameynayaan shaciyo iyo
guddiyo, wuxuuna intaa raaciyay in ay ku shaqeeyaan hal siyaasad.
Wuxuu kaloo sheegay in kuwa dambiilayaasha ah ee dhibaatada waday la arki
doono goor dhow lana soo afjaray arinta Gaalkacyo.
Mar uu ka hadlayey arimaha Gobolka Sanaag ayuu sheegay in lagu soo duulay,
haatana ay jiraan dad oranaya Boosaaso ayaa inoo dhiman iyo Garowe taasna ma
dhaceyso buu yiri, wuxuuna Cadde Muusu uu tilmaamay in ay shacabka
deegaankaasi ay u dagaalameen sidii ay isaga saari lahaayeen kuwii ku soo
duulay.
"Laascaano ayaa inoo harsan, inagaa naqaan sida aan ka yeeleyno, dadka
shicibka degan kaliya ayaan u digayaa, waxaan leeyahay ka shaqeeya sidii
Puntland sideeda ugu soo noqon laheyd" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo
ugu danbeyntii sheegay in lagu guuleystay wax ka qabashada magaalooyinka
Boosaaso iyo Garoowe oo xaalada amaan ay iminka tahay mid wanaagsan.
Xigasho Allpuntland
Horufadhi.com
|