|
Iyadoo horay ay u jireen mad madow iyo ku qanacsanaan laga dareemay
garabka Isbaheysiga ee Asmara fadhiya ee ku aadan heshiiskii Yemen ee Labada
Dhinac ku gaareen Dalka Yemen ayaa waxaa mar kale dhinac ka soo baxay
khilaaf cusub oo labadaas dhinac soo kala dhex galay, xilli la sheegayay
inuu guul ku dhamaaday shirkaas Yemen ka dhacay.
Labada Dhinac hada waxay u muuqdeen kuwo kala heysta fikradihii hore, ee uu
ku bilowday Khilaafka, wixii ka dambeeyay 9-kii June, hada oo la sheegay in
laga gudbay khilaafkaas, ayaa waxaa sii yimid khilaaf kale oo ka dhashay
shirka Golaha Dhexe ay isugu yimaadeen, kaasi oo lagu ansixiyay waxyaabihii
ka soo baxay heshiiskii 9-ka June.
Mid ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta qeybta ku sugan Magaalada
Asmara ee Dalka Eritrea wuxuu iftiimiyay khilaafka cusub ee Labada dhinac
haatan soo kala dhex galay, kaas oo yimid, markii shalay Xubnaha kale ee
Isbaheysiga shir ku qabteen Dalka Jabuuti, kaasoo sida muuqatay dhaawacay
heshiiskii Magaalada Sanca labo maalmood ka hor ay ku gaareen dhinacyada
Isbaheysiga.
"Heshiiskii Yemen ee aan walaalaheena Jabuuti la gaarnay wuxuu ahaa inaan
wax siyaasad ah la gelin, tan iyo inta la isaga imaanayo, haatan waad
ujeedaan shir bey ku qabteen Jabuuti oo Golaha Dhexe isugu yimaadeen, taasna
waxay bur bur ku keentay Heshiiskii Yemen"ayuu yiri Sheekh Xasan Mahdi oo ka
mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta ee ku sugan Dalka Eritrea.
Sheekh Xasan Mahdi waxaa uu sheegay in Shirkii Yemen ay dhex dhexaadinayeen
Guddi labada dhinac ka madax-bannaan, kuwaasi oo uu guddoomiye u ahaa Prof.
Ibraahim Xasan Caddow, wuxuuna sheegay in ay haatan ka sugayaan guddigaas
wixii ay ku xukumaan Xubnaha Isbaheysiga ee Jabuuti ku sugan, kuwaasi oo uu
sheegay in ay ka baxeen waxyaabihii lagu heshiiyay.
Tani waxay muujineysaa sida Kooxda Sheekh Xasan Dahir aysan ugu qanacsaneyn
Shirka Xubnaha Labada Shariif ku qabteen Dalka Jabuuti, kaasoo ay ku
ansixiyeen waxyaabihii ka soo baxay Shirkii Jabuuti oo horayba ay u
saluugsanayeen garabka ku sugan Asmara.
Hamse, M Abdi
SOmalia
Wya2007@hotmail.com |