War goor dhoweyd naga soo gaaray Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa sheegaya in Kulan ay yeesheen Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Garabka Asmara ay kaga dhawaaqeen Hogaan Cusub oo uu yeesho Isbaheysiga.

Warka ayaa sheegaya in Xubnahaas ay Hogaan u magacaabeen Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Shariif Saalax, iyadoona labadan xubnood ay kala qabanayaan Jagooyinkii Labada Shariif ee haatan fadhigoodu yahay Magaalada Jabuuti.

Arrintan waxay si rasmi ah waxay noqoneysaa mid cadeyneysa in Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta uu Labo garab u kala jabay, taasoo maalmihii hore la sii sheegayay in Isbaheysiga uu kala jabay,

Sh Shariif oo si kulul oga hadal

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Garabka Asmara, isagoo dhanka kale ku eedeeyay Xubnaha Asmara jooga in ay fulinayaan rabitaanka Dowladda Eritrea.

Sheekh Shariif oo hadaladiisa ka muuqday caro aad u weyn ayaa sheegay in aysan sharci aheyn go'aanka ay xilka uga qaadeen, isagoo sheegay in aanay jirin qalad ay sameeyeen isaga iyo sxbkiis Shariif Xasan, kaas oo uu sheegay in xilka lagaga qaado.

Wuxuu tilmaamay Shariifka in tiro yar oo ku sugan Asmara aysan wax magacaabin karin, iyadoo aan kooramkii buuxsamin, wuxuuna go'aankaas ku tilmaamay mid qalad ah oo kheyrul sharci ah.

Dhanka kale Sheekh Xasan Dahir Aweys oo isna shalay u doorteen tiro yar oo ku sugan Asmara Gudoomiyaha Isbaheysiga Booskii Sheekh Shariif ayaa difaacay go'aanka ay xilka uga qaadeen Labada Shariif.

"Waxaan xilka uga qaadnay, markii ay carareen, xaruntiina ka tageen, wada tashi la'aan, waxaana nala gudboonaatay inaan go'aankaas qaadano"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys oo u waramayay TV-ga Al-Carabiya.

Hadalada iska soo horjeeda ayay waxay mugdi sii gelinayaan jiritaanka Isbaheysiga oo markiisii hore ay ku bahoobeen Maxkamadihii Islaamiga oo dhismaha Isbaheysigaas markii hore labo garab ugu kala noqday, waxaana tani noqoneysaa mid Maxkamadihii ay ku kala sii qeybsamayaan, iyadoo horay u jirtay in Ururka Alshabaab iyo Jabha Al Islaamiyaha ay gooni isaga taageen Maxkamadaha Islaamka.

waxii wara ee ka soo kordha Isha ku hay Horufadhi.com.

Hamse, M Abdi

SOmalia

Wya2007@hotmail.com