Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Dowlada Federaalka ayaa maanta kulan khaas ah magaalada Garowe kula yeeshay Issimada kasoo jeeda gobalka Sool, kulankaasi oo aan saxaafada loo ogolaan in ay ka qeyb galaan.

Kulankan ayaa ah midkii sadexaad oo ay Mas’uuliyiinta Puntland iyo Dowlada Federaalka ku yeelanayaan, tan iyo intii uu shalay magalaada Garowe soo gaaray Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed.

Md.C/laahi Yusuf ayaa maanta la kulmay Golaha Wakiilada Puntland oo uu kala hadlay arrimo badan oo dhawr ah oo ay ku jiraan doorashooyinka iyo xaalada amni ee Puntland.

Labada Madaxweyne ee Puntland iyo DFKMG, Gen.Cadde Musse iyo C/laahi Yusuf Ahmed ayaa kulan khaas ah magaalada Garowe duhurnimadii maanta kula yeeshay Issimada kasoo jeeda gobalka Sool.

Shirkan oo aan saxaafada loo ogolaan ayaa markii uu soo gab gaboobay wax tafaasiil ah aan laga bixin qodobadii shirkaasi looga hadlay.

Garaad Abshir oo kamid ah Issimada gobalka Sool oo kamid ahaa issimadii ka qeyb galay kulankii maanta ka dhacay Garowe ayaa Horseed Media khadka telefonka ugu sheegay in kulankaasi arrimo badan oo dhawr ah kala hadleen labada Madaxweyne.

Garaad Abshir oo si weyn uga gaabsanayey inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo shirkaasi ayaa sheegay in qodobadii lagu wada hadlay dhamaan la isku afgartay, asagoo sheegay in arrimahaasi la xariiraa xaalada ka jirta gobalka Sool oo qeyb kamid ah iyo magaalo madaxdii Laascaanood ay gacanta ugu jirto xiligan Maamulka Somaliland.


 

Horufadhi.com