|
|
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa xil ka
qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho
Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere). Xilka qaadistani ayaa waxaa cod aqlabiyad ah ku aqbalay Golaha Wasiirada ka soo qeyb galay kulankaani 11 Wasiir iyadoo aysan soo xaadirin afar Wasiir halka sedex aanan wali la magacaabin waxaana codkii la qaaday 7 ka mid ah ay go'aan ku gaareen inuu xilka laga qaado Maxamed Dheere halka ay laba diideen labana ka aamuseen. Ra'iisul Wasaare Nuur Cade oo mudooyinkan u qorsheysnaa inuu qorsheysnaa inuu xilka ka dhigo Maxamed Dheere ayaa waxay ka dambeysay, kadib khilaaf soo dhex galay Maamulka Gobolka Gudoomiye Kuxigeenadii iyo Gudoomiyeyaashii Degmooyinka, waxaana dacwad ka keenay Beelaha Muqdisho iyo Xubnaha la shaqeynayay oo Maxamed Dheere eedeyn kulul u jeediyay. Maxamed Dheere oo xilkan hayay muddo sanad iyo bar waxaa horay u magacaabay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Geeddi oo ay beel ahaan ka soo wada jeedeen, waxaana la ogeyn sida uu ka dhihi doono Maxamed Dheere oo ah nin aad u kul kulul, isla markaana ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya. ee ay Adhaxda ka jebiyeen Maxkamadaha Islaamku, Warar qaar ayaa sheegaya in xilka qaadista Golaha Wasiirada ku sameeyeen M, Dheere ay u cuskadeen arrimo dhowr ah oo ay soo gudbiyeen Beelaha ku dhaqan Muqdisho, kaasi oo ay kaga ashtakoonayeen Maxamed Dheere. si kastaba haahaatee lama oga in arinkan uu Raali ka yahay ama wax ka ogyahay Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Laahi Yuusuf axmed. oo asagu maanta uun soo gaadhay Magaalada Muqdisho. sidoo kale ma jirto cid loo magacaabay Booskii M,dheere oo ku soo baxday wareegtanada, lamana yaqaan qofka sida dhabta ah u Bedeli doona Gudoonkii hore, Hamse, M Abdi SOmalia Wya2007@hotmail.com |