|
Waxay aheyd arrin dad badan ay sugayeen go'aan qaadashada
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo horay u diidanaa xil ka qaadista Maxamed
Dheerer waxaana go'aanka Madaxweynaha ay aaqirkii noqotay mid dib usoo
celisay candhuuftii uu laqay Maxamed Dheere ee uu ku weyn lahaa xilkiisii
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu
soo waramayaa in warqad u ogolaaneysa in shaqadiisa uu sii wato gacanta u
geliyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed
Dheere oo maalin ka hor ay xil ka qaadis ay ku sameeyeen Golaha Wasiirada
Nuur Cadde.
Sida aanu ka heleyno Ilo wareedyo ku dhow dhow Maxamed Dheere ayaa sheegaya
in Maxamed Dheere farta laga saaray waraaq u ogolaaneysa inuu howshiisa sii
wato, taasoo xagal daacin ku ah Go'aanka Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo
saaxibadiisa.
Wararka oo ah kuwa isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxweyne Yuusuf uu
markii horeba uu ahaa mid aan ku qanacsaneyn Xil ka qaadistaas, isla
markaana go'aankaas uu ahaa mid ku koobnaa kaliya Nuur Cadde iyo
Kuxigeenkiisa Axmed Cabdisalaan.
Xarunta Maxamed Dheere ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka
soconeysa farxad iyo damaashaad, iyadoona go'aanka Madaxweynaha uu dib
shaqada ugu soo celiyay Maxamed Dheere ay tahay mid aysan la qabin Xubnaha
Nuur Cadde horbooda, kuwaasi oo ka sugayay Madaxweynaha inuu aqbalo xil ka
qaadista.
Maxamed Dheere laftiisa waxaa uu ahaa mid ku kalsooni qabay go'aanka kama
dambeysta ah ee uu qaadanayo Madaxweynaha, taasoo uu horay u sheegay in
Ra'iisul wasaaraha uu leeyahay soo jeedin, isla markaana Madaxweynaha uu
yahay ruuxa ogolaanaya ama diidaya, taasna waxay keentay in Madaxweynaha
go'aankiisa kama dambeysta ah uu qaato maanta, taasoo uu ku qaadacay soo
jeedinta Ra'iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ee ay xilka uga qaadeen
Maxamed Dheere.
Arrintan hada soo cusboonaatay ayaa noqon karta mid Dowladda dhexdeeda ay ku
sii kala qeybsamayaan, isla markaana ay dhici karto in Ra'iisul Wasaare Nuur
Cadde iyo taageerayaashiisa ay ka qaataan Go'aan deg deg ah.
Wixii warar ee ka soo baxaya arrimahan kala soco wararkeena dambe
Horufadhi.com |