|
Kooxaha Maxkamadaha Islaamiga iyo Alshabaab ayaa si kala duwan oo
aad u kala fog uga hadlay khilaafka iyo kala jabka soo kala dhex galay
Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo u kala jabay Labo Garab
Asmara iyo Jabuuti.
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga ee dhinaca Howl galada C/raxiim Ciise Cadow
ayaa walaac ka muujiyey kala jabka ku yimid Isbaheysiga Dib u Xoreynta ee
Maxkamadaha Islaamka ay qeybta ka yihiin , kuwaasoo labo garab oo ay kala
hogaamiyaan Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Dahir u kala habay.
Afhayeenka ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xiligaan uu
Isbaheysigu kala dhantaalmaan taasina ay tahay mid ceeb ku ah Madaxda
Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya sida uu yiri
“Waxaan leenahay ALLE ka baqa oo ha noqonina kuwo laga faa'iideesto ee u
daneeya diinta iyo dadka Soomaaliyeed ee la heysto ,hadii aad labo noqotaan
waxaa ka faa'iideeysanayo cadowga waxaana ugu baaqeeynaa Madaxda sare ee
Isbaheysiga in ay xal gaaraan oo ay heshiiyaan” ayuu yiri C/raxiim Ciise
Caddow
Dhinaca kale Macalin Xaanshi Maxamed Faarax oo ka mid ah ahaa Xubnihii
Maxkamadaha xilligi ay ka talin jireen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,
kal horena sheegay inuu ku biiray Ururka Alshabaab ayaa u hambalyeeyay
Sheekh Xasan Dahir Aweys, wuxuuna sheegay in mar hore uu arkay Labada
Shariif in ay wado khaldan ku socdeen.
Macalin Xaashi oo la hadlay saakay warbaahinta Muqdisho ayaa ku eedeeyey Sh
Shariif Sh Axmed gudomiyaha Isbaheysiga ee garabka Jabuti in uu yahay nin ku
xirtay reer galbeedka waa sida uu hadalka u dhigay isaga oo ku tilmaamay qof
mudan in xilka laga qaado.
"Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dib u xoreyn iyo halganka Mujaahidiinta
oo aan la kala dhantaalin si dalka looga saaro Cadowga Umada"ayuu yiri
Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo dadka Soomaliyeed uga digay in aysan ku
khatalmin wax uu ku sheegay howlaha iyo dibin daabyada ay wadaan Xubnaha
Isbaheysiga Dib u Xureynta ee jooga Magaalada Jabuuti.
Hadalka Labada Xubnood ee ka kala tirsan Ururada Islaamiga ee kacdoonada
wada jirka ah kula jira Ciidamada Ethiopia iyo Dowladda Federaalka ayaa
waxaa uu cadeynayaa sida ay tahay mabaa'diidooda, iyadoona Kooxda Alshabaab
ay markii horeba aad u diidaneyd dhismaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta, taasoo
aheyd waxa ay gooni isaga taagtay Midowga Maxkamadaha oo ay ka mid aheyd
Mudadii Lixda Bilood
Hamse M, Abdi
Wakiilka Soomaaliya,
Horufadhi.com |